Hargeysa(Geeska)Dhalinyaro iyo aqoonyahan ka soo jeeda gobolka Hawd ayaa gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani uga mahad celiyey kursiga gudoomiye-nimo ee xisbigaasi oo uu sheegay inuu ku wareejinayo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Hawd ee xisbigaasi ku jirno.
Dhalinyaradan oo shalay shir jaraa,id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegeen inay gudoomiye Cirro uga mahad celinayaan inuu deegaankooda ku soo wareejiyo gudoomiyaha xisbiga, waxaanay tilmaameen inay taageero balaadhan la garab istaagi doonaan.
Naasir Cismaan Muxumed oo ugu horayn ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa gudoomiye cirro ku bogaadiyey go,aanka kursiga gudoomiye-nimo ee uu ku wareejinayo siyaasiyiinta deegaanka gobolka Hawd waxaanu yidhi “Anaga oo ka mid ah aqoonyahanada gobolka Hawd waxaanu iskugu nimid inaanu codkayaga ku biirino dhawaaqii geesinimada lahaa ee ka soo yeedhay gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro ee uu ku sheegay inuu xilka ugu sareeya xisbiga ee gudoomiye-nimo ku wareejin doono beesha gobolka Hawd, waxaanan beesha u soo jeedin lahayn inay cududooda iyo tacabkooda u mideeyaan oo ay ku biiriyaan xisbiga Waddani.”
Khadar Cabdi Samad Sulub oo isaguna ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa sheegay inay garab taagan yihiin xisbiga Waddani waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “ Waxaanu leenahay gudoomiye waanu kaa gudoonay xilkaas culus ee aad nagu soo wareejisay, waanan kula garab taaganahay maal iyo muruqba, dhalinyaraduna waxay diyaar u yihiin inay xisbiga Waddani la garab istaagaan maal iyo muruqba wixii looga baahan yahay.”
Haashim Mahdi oo isaguna shirkan jaraa,id ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “ Waxaanu halkan ka cadaynaynaa kuna taageeraynaa hadalkii ka soo yeedhay gudoomiyaha xisbiga Waddani kaas oo aanu u arki karno hadal saamayn ku leh dalka, waxaanan ugu hambalyeynaynaa geesinimadaa uu qaatay isaga oo aan wali kursigii madaxtinimada aan tagin inuu yidhaahdo kursigii waan ka kacayaa waxaanu leenahay gudoomiye arintaas waanu kugu hambalyeynaynaa, qoladii aanu ood wadaagta ahayna waxaa odhan lahaa “Afmacaane kula ooyayoo eebo kugu taaga Abees micida shaydhayoo aragtaybaa dhaama”
Sidoo kale aqoonyahan Mubaarig Muuse Ducaale oo isaguna shirka jaraa,id ka hadlay ayaa ugu baaqay dadweynaha gobolka Hawd inay taageeraan xisbiga Waddani “ Waxaan ugu baaqayaa bulshada deegaanka gudoomiye Ciro ku wareejinayo xisbiga inay guntiga dhiisha iskaga dhigaan sidi ay ugu shaqayn lahaayeen xisbiga Waddani, inay codkooda, maalkooda iyo muruqooda iskugu gayn lahaayeen sidii uu Cabdiraxmaan Ciro u noqon lahaa madaxweynaha somaliland ee shanta sano ee soo socda.”