Hargeysa(Geeska):-Garabka dhalinyarada Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa si kulul u cambaareeyey xadhiga ay Xukuumadu kula kacday qaar ka mid dhalinyarada dagmada Gar’adag oo ku soo biiray Xisbiga WADDANI,waxaana ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin in Xukuumada Siilaanyo ay xadhig,cabudhin iyo cago juglayn ay ku hayso guud ahaanba dhalinyarada Somaliland oo ahbaa ay yidhaahdeen kuwii kurisiga saaray madaxweyne Siilaanyo. Dhalinyaradan ayaa hadalkan ka sheegay shi-jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta Xisbiga WADDANI ee Magaalada Hargeysa,waxaana ay sida oo kale ka dhawaajiyeen in xoogaga dhalinyarada mucaaradku ay dhawaan guud ahaanba dalka gudihiisa oo dhan min bari illaa galbeed ay ka fulin doonaan mudaharaado badan oo laga soo horjeedo tacadiga,xadhiga iyo cadaalad la’aanta ayey yidhaahdeen ay Xukuumada Siilaanyo ku hayso dhalinyada Somaliland.
Xoghayaha ku meel gaadhka ah ee garabka dhalinyarada Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Maxamed Sidiiq Dhame oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ka dhalinyaro ahaan ay aad uga xun yihiin in dhalinyaradii soo dooratay Xukuumadan Siilaanyo ay ku cabudhiso in ay si madax banaan ay fikirkooda ay u cabiraan,waxaana uu carabka ku dhuftay in dhalinyarada hada la xidh xidhay kaliya lagu haysto in KULMIYE ka baxeen Xisbiga WADDANI-na ay u wareegeen.
"Waxaanu aad iyo aad aanu uga xunahay aadna aanu u dhaleecaynaynaa xadhiga dhalinyarada ee Xukuumadu ay ayda ku xukuntay,dhalinyaradii fikirkooda muujiyey ee ka baxay Xisiga talada dalka haya ee KULMIYE oo ay ku xukuntay xadhiga u dhaxeeya Sagaal sano illaa Lix-da Sano,sidii maxkamadihii Siyaad bare uu dadka xukunka dag dega ah uu ku xukumi jiray.Waxaa kale oo laga soo raray gobalka Sanaag oo magaalada Ceeri-gaabo ayaa la keenay iyada oo laga keenay magaalada Gar-adag,waxaana lagu xukumay halkaas iyada oo lagu haysto waxaad ka baxdeen Xibsiga KULMIYE,waxaanan u wareegteen Xisbiga WADDANI,arrinta caynkaas ah ee aadka u foosha xun aad iyo aad ayaan u cambaaraynaynaa aadna waanu uga xunahay"Ayuu yidhi Maxamed Sidiiq Dhame. Md:Maxamed Sidiiq Dhame oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu ka dhawaajiyey in xoogaga dhalinyarda Mucaaradku ay Xukuumada ugu bushaaraynayaan in ay qaban doonaan mudaharaado aad u balaadhan oo guud ahaanba dalka min bari illaa galbeed mar qudha ka wada dhici doona,waxaana uu sheegay in ay wadayaan mudaharadaasi inta Xukuumada Siilaanyo ay talada dalka iska wareejinayso.