Dhallinyarada Ururka Jiidali Oo Xalay La Xidhay

0
610

Picture1Hargeysa(Geeska)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xalay xidhay saddex ka mid ah ururka dhallinyarada Jiidali.

Dhallinyaradan oo kala ah xoghayaha ururka Maxamed Cabdikariim  Cumar, Afhayeenka ururka Faysal Cumar Madar (Qumuj) iyo Cabdi Bedel Cumar, waxa laga qabtay hoteelka Crown oo ay ku lahayeen xaflad ay ka soo qayb galayeen dad badan oo ay siyaasiyiini ku jirtay, taas oo guud ahaanba baaqatay Xukuumadda ayaa si gaar ah isha ugu haysa dhallinyaradan.