Dhallinyarada Qalinka Daa’uud Oo Bayaan Ku Taageeray Guddiga Horumarinta Ciidagale

0
556

Hargeysa(Geeska)-Dallada ay ku bahoobeen dhallinyarada Qalinka Daa’uud ee koonfurta Magaalada Hargeysa, ayaa bayaan ay soo saareen waxay si mug leh ugu taageereen guddiyada horumarinta ee Beelaha Ciidagale.

108

Bayaanka ay dhallinyradu soo saareen waxa ay ku ammaaneen guddiga siyaasadda iyo horumarinta beesha ee Sahan Barwaaqo iyo guddiga wadada Cad, kuwaas oo ay sheegeen inay buuxiyeen kaalintii laga rabay dawladda. Bayaanka oo Geeska Afrika xalay la soo gaadhsiiyay ayaa wuxuu u dhignaa sidan “Aqoonyahanka iyo Dhallinyarada Qalinka Daa’uud ee Ciidagale oo si dhow ugu kuurgelayey marxaladaha siyaasadadeed iyo duruufaha u gaar ah ee ku gedaaman beesha iyo deegaannada ay degto, waxa ay garwaaqsadeen in laga hadlo faragelinta qaawan ee bilihii u danbeeyey ay xukuumadda Somaliland gaar ahaan xubnaha kooban ee beesha kaga jira xukuumadda maanta taladda haysaa ay ku hayeen welina ku hayaan guddiyada u dabran horumarinta iyo danaha beesha Daa’uud Ismaaciil (Ciidagale).

Wacyiga iyo duruufaha nololeed, siyaasadeed iyo caddaaladeed ee ku gedaaman bulshadda Somaliland ayaa baray in ay beeluhu iskood isu abaabulaan oo ay samaystaan guddiyo gaar ah oo beel walba xaaladaheeda gaar ahaaneed maareeya, taas oo caddeyn u ah in aanay jirin dawlad  caddaaliya oo awood u leh in ay buuxiso baahiya bulshada intooda badan, gaar ahaan, kuwa aasaasiga ah, diyaarisana kaabayaasha dhaqaalaha waddanka. Sidaa daraadeed, guddida siyaasadda iyo horuminta beesha Ciidagale (Sahan Barwaaqo) iyo gudida kale ee Wadada Cadi waxay bulshada ku dhaqan Bariga, Koonfurta iyo Badhtamaha Magaalada Hargeysa u buuxiyeen kaalintii laga rabay dawladda, taas oo laga filayay in ay dawladdu ku gacan siiso hawlaha horumarinta ah ee ay ka wadaan deegaanadaasi, se taa beddelkeeda waxay dawladu ku hawlan tahay hagardaamaynta iyo burburinta guddiyadan u hagar-baxay horumarka dalkooda iyo bulshadooda, arintaas oo farriin cad u ah bulshadana u iftiiminaysa sida aanay dawladu  u doonayn bulshadan oo horumar ku talaabsata, jawaab la’aanta xukuumadduna waxay sii kala fogayn doonta xukuumadda iyo bulshada.

Sahan Barwaaqo waa guddi ay soo dooratay bulshada ku dhaqan Bariga, badhtamaha iyo Koonfurta Magaalada Hargeysa ee Beesha Ciidagale kana kooban dhamaan Ardaayada kala duwan ee beesha laguna soo doortay kartidooda, aqoontooda iyo in ay yihiin xubno u soo banbaxay wax-ka-qabashada baahiyaha badan ee bulshada dhan walba.

Guddida Waddada Cad waa mutadawaciin muddo dheer u xaydnaa hirgelinta waddo isku xidha Hargeysa ilaa Ina-guuxaa oo xadka Somaliland ay Ethiopia la wadaagto ku taal, wadadaas oo dherer keedu yahay 66.5 KM inta maanta la dhisayna tahay 34 KM, Gudida Wadada Cad waxay waqtigoodii iyo dhaqaalehoodiiba u hureen hirgalinta mashruucaas baaxadaa leh. Guddiyadani waxay xaq ugu leeyihiyiin xukuumadda Somaliland in ay taageerto, lana shaqayso oo weliba ku ammaanto oo ku abaal-mariso howsha baaxadda leh ee ay ka furteen dawlada, waayo, xukuumadda ayey bulshadu xaq ugu leedahay in ay daboosho baahiyaha ay isu xilsaareen guddiyadani. 

Haddaba nasiib-darro waxa ah, in ay beryahan danbe soo shaac baxeen xubno ka tirsan xukuumadda Somaliland oo aan jeclayn horumarka beeshan, ayna wadaan iskudayo lagu wiiqayo ama lagu ridayo madaxda sarsare ee gudiyadaas, gaar ahaan gudoomiyaha Sahan Barwaaqo  iyo xubnaha ugu miisaanka culus ee Gudida Waddada Cad oo dhamaantood ah shakhsiyaadka wakhtigooda iyo hantidooda ugu shaqeeya ummadda. Masuuliyiintan ujeeddadoodu kama foga maxaa noola guul-wadayn waydeen, guulwadayntaas oo ay iyabba wax kaga keeni waayeen xukuumadda hadda wakhtigeedii gabaabsiga yahay. 

Xukuumadda hada talada dalka hayso oo ku guul daraysatay in ay bulshada u xaqsoorto, haday tahay mashaariicda horumarinta ah ee laga fuliyo guud ahaan Somaliland iyo caawimooyinka bani’Aadam nimo ee wadan ka soo gala.

Cadaalad darida xukuumaddu ula badheedhay Beesha Ciidagale waxaa kamida saamiqaybsiga kuraasta dalka iyo darajooyinka ciidagamadda qaranka oo aanay beeshani helin saamigii ay xaqa u lahayd iyadoo la ogaa kaalintii firfircoonayd ee ay beeshu kulahayd halgankii xornimo doonka Somaliland, hadaba iyadow jiraan tabashooyinkaas tiro beelay beeshu kamay filayn inay xukuumaddu hagardaamayso gudiyadda u banbaxay horumarka bulshadda.

Guntii iyo gunaanadkii, aqoonyahankan iyo dhalinyaradan oo mar walba ka turjuma dareenka dhabta ah ee bulsho-weynta Daa’uud Ismaaciil (Ciidagale) waxay si cad uga soo horjeedaan faragelinta xukuumaddu ku hayso guddiyada beesha, waxaana aqoonyahanka ku midaysan magaca Qalinka Daa’uud u soo jeedinayaan xukuumadda Somaliland, gaar ahaan, madaxweynaha iyo inta ka agdhow in ay wax ka qabtaan arintan.

Waxaanu ku baaqaynaa in degdeg loo fuliyo qodobadan hoos ku qoran:-

In xubnaha xukuumadda ka tirsan ee arintan ku hawllani ka waantoobaan oo ay faraha kala baxaan faragelinta gudiyada Wadada Cad iyo Sahan Barwaaqo.

In madaxweynuhu soo farageliyo arrinta, qolyaha xukuumaddiisa ka tirsan ee carqaladaynaya horumarka Beeshana ka qabto, xukuumaduna iska bari yeesho, haddii aanay qudheedu sidaas kula soconin.

In xukuumaddu fuliso balanqaadyadii badnaa ee ku aaddanaa gacansiinta Wadada Cad.

Dhulka Wadada Cad eek u yaala MASALUHU wuxuu kusoo baxay Digreeto Madaxwayne oo ah in Dhulkaas lasiiyay Wadada Cad, Sidaa darteed cidkasta oo isku dayda inay wax ka bedesho ama si khaasa ugu takri fasho waa in sharciga la hor keeno.”