Dhalinyarada Iyo Aqoon Yahanka Harti Oo Tabashooyin Iyo Garnaqsi Ah U Gudbiyay Xukuumada Iyo Shacabka

0
768

Hargeysa(Geeska)-Dhallinyarada iyo aqoonyahanka Beelaha Harti ayaa xukuumadda iyo shacabka Somaliland u soo bandhigay tabashooyin la xidhiidha saami qaybsiga.

1

Warsaxaafadeed ay dhallinyaradu shir jaraa’id oo ay qabteen ay ka akhriyeen, ayaa waxay ku bilaabeen sidan “Labada urur ee DAL-KAAB iyo CALMADOW oo ku midoobay DALLADA DALJIR FORUM ayaa qabtay shir saxaafadeed kaas oo ula jeedkiisu ahaa garnaqsi siyaasadeed iyo raadinta saamiyada ay xaq u leeyihiin.

Waxaana ugu waaweynaa qodobadii lagu soo bandhigay shirka.

Garnaqsi siyaasadeed:-Anaga oo tixgalinayana wada dhalashada , dhaqanka, iyo dal iyo deegaan wadaagta  beelaha somaliland waxaanu jecel nahay inaan soo bandhigno heshiisyada siyaasiga ah ee xukuumadihii Somaliland isaga danbeeyey ku balan furyeeyeen beelaha harti oo ugu horayso

In kursigii baarlamaanka ee axdiqarameedka  heshiiskii BORAME lagaga dhawaaqay ay beelaha dhexe ee Somaliland si badheedha oo ka gabasho lahayn ula wareegeen intii ka danbaysay xukuumadii Maxamed Ibrahim Cigaal AUN.

In xisbil xaakimka kulmiye aas aaskiisii ay lahaayeen Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo ) IYO Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) Oo ay isu ahaaayeen Gudoomiye iyo kuxigeen si badheedha oo cadaana oo waliba beelaysan ay beesha dhexe iyada oo iskaashanaysa uga wareejisay doorkii siyaasadeed ee beelaha harti iyadoo lagu mar mar siyoonayo beelaha harti cod keenimaayaan.

Ka dib kala guulaysashadii Daahir Rayaale IyoAxmed Siilaanyo   waxaa mar labaad Beesha Harti madaxweyne ku xigeen u soo xulatay Axmed X Cali Caddami arintaa waxaa si badheedha uga horyimi Beesha dhexe oo miisaanka siyaasada isku garabsanaya, waxayna sababsatay in beesha harti oo isku duubani qaadacdo shirkii xisbiga kulmiye hadaba ergooyin iyo isu soo dhoweyn ka bacdi waxaa mar labaad lagu heshiiyey in Beelaha Harti la siiyo Raysal Wasaare Awood leh isla markaana ku qancin doono inuu mariyo kana ansixiyo Baarlamaanka Somaliland marka xisbigu guuleeysto ka dib .

Marwalba iyada oo beesha harti u galgamaysa wada jirka Somaliland isla markaana raadsanaysa xuquuqdeeda siyaasiga ah waxay madaxweyne ku xigeen u sharaxeen Saleeban Ciise Axmed (Xaglatoosiye) taas oo si badheedha ilaa heer madaxweyne looga codeeyey isla markaana la dhiirigeliyey kooto dhaqameedka aan sharqiga ku dhisnayn ee galbeedaysan.

Doorashooyinka  iyo Diiwaangelinta:- waxaan ogsoonahay in dhowaan ay wadanka ka qabsoomi doonaan doorashooyinka madaxtooyada  iyo baarlamaanka oo is huwan hadaba

waxaanu xukuumada, xisbiyada qaranka, iyo komishanka doorashooyinka ku dhaliilaynaa inaysan ka muuqan guud ahaan sidii doorashada ugu dhici lahayd gobolada bariga Somaliland.

Waxaanu ognahay in komishanka doorashooyinka qaranka ay meesha ka saareen gobolada sida Buuhoodle, Xaysimo iyo gobolka badhan,isla markaana ay jiraan inka badan boqol goobaha codaynta ah oo la jaray taas oo lidi ku ah xuquuqda siyaasiga ah ee beelaha harti iyo guud ahaan wada jirka Somaliland.

Waxaa komishanka doorashooyinku ku guuldaraysteen inay si buuxda uga fuliyaan wacyigalinta diiwaangelinta iyagoo meesha ka saaray NGO yada gobolada bariga ee soo codsaday isla markaana ku bedalay dad aan aqoon badan u lahayn deegaamada kana soo jeeda beesha dhexe.

Lacagta 2%  (2 percent).

Waxaa miisaaniyada qaranka ku jirta lacag loogu talagalay horumarinta gobolada bariga Somaliland taas oo uu baarlamaanku ansixiyey lacagtaas oo ilaa hada aan gaadhin waxna aan lagaga qaban qorshihii horumarineed ee loogu talagalay.

Waxaana caado noqotay in loo adeegsado sifo ka duwan wixii loogu talo galay aysana jirin haba  yaraatee wax waxqabada oo ka soo gaadhay deegaamadii loo qorsheeyey.

Abaarta:- Waxaan wada oganahay in wadanka guud ahaan ay ka jirto abaar dheeraatay taas oo si gaara u saamaysay gobolada  gableedka iyo bariga Somaliland arintaa waxaanu baaq u jeedinaynaa xukuumada  iyho guud ahana shacbiweynaha  Somaliland in gurmad loo fidiyo dadka abaartu ku dheeratay.

Guntii iyo Gababadii.

Waxaanu markasta anagoo xoojinayna nabadgelyada iyo wada jirka beelaha Somaliland aanu u taagan nahay sidii aanu u hanan lahayn xaquuqda siyaadadeed ee aanu mudananahy isla markaana waxaanu u soo jeedinaynaa dhamaan siyaasiyiinta beesha in loo halgamo sidii ay qayb libaax oo uga qaadan lahayn  hogaanka dalka.

Gudoomiyaha: – Dr Ismael Saleban Bowkax

G/kuxigeenka:-Abdirisaq Mohamed Ali (Cooraaf)

Agaasimka: – Ali Abdimaalik Ahmed