Dawladda Turkiga Oo Wada Hadaladii Somaliland Iyo Somaliya U Bedelaysa Wada Hadalo U Bilaabma Madaxdhaqameedka Labada Wadan

0
610

labaHargeysa(Geeska)-Dawladda Turkiga ayaa la sheegay inay dejisay qorshe ay ku doonayso inay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee guulaysan waayay u bedesho dhinaca madaxdhaqameedka Somaliland iyo Somaliya.

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali dawladda Turkiga ayaa Muqdisho iyo Hargeysa u soo diraysa saraakiil ka socda wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga oo labadan magaalo kulamo kula yeelan doono qaar ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland iyo Somaliya oo kala hadli doono sidii loo bilaabi lahaa wada hadaladii labada dawladood ee in loo bedelo dhinaca madaxda dhaqanka maadaama oo ay labada dawladood ku guulaysan waayeen inay gaadhaan wax isfaham ah kulamo badan oo ay Turkiga ku yeesheen ka dib.

Lama oga in dawladda Somaliland ka war qabto qorshaha cusub ee ay dawladda Turkigu dejisay, waxase ay wararku sheegayaan in xukuumadda lagu soo wargeliyay imaanshaha saraakiisha dawladda Turkiga oo la filayo inay dalka soo gaadhaan toddobaadka dambe, waxaanay Turkigu xidhiidho la soo sameeyeen qaar ka mid ah madaxda dhaqanka Somaliland kuwaas oo uu u bandhigay qorshahan cusub ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

Qorshahan ayaa u muuqda mid ay dawladda Turkigu doonayso inay dhinac kale uga wareegto wada hadaladii siyaasiga ahaa oo u muuqda inay ka weyday wixii ay ka filaysay, waxaana suurtogal ah inay doonayso inay wada hadalada u rarto jiho kale.  Qorshahan ayaa haddii uu hirgalo wuxuu halis ku noqon karaa dhinaca Somaliland oo meel adag ka taagan natiijada uu Turkigu doonayo inay ka soo baxdo wada hadalada. Qorshahan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay dhawaan xukuumadda ka baxeen wasiiradii mudada dheer soo waday wada hadalada Turkiga, halka ay sidoo kalena madaxtooyada aad u kala fogaadeen guddoomiye xigeenka golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo ka qayb galay wada hadalada iyo xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo isna ah guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda golaha wakiilada.