Qaza: Magaaladii uu ku geeriyoodayNebi Muxammed (SCW) Aabihii (Q:12aad)
Magaalada Qaza oo ah magaalo taariikhiya waxaa bilowgeedii hore dhisay Kancaaniyiintii oo taariikh fog lahaa, sida ku xusan diiwaannada Xarunta kaydinta xogta qaranka ee Falastiin, magaalada Qaza oo la dhisay waqti hadda laga joogo 3500 oo sano, waxaa ay dowladdii Kancaaniyiintu u bixiyeen Hazaati, laakiin mar dambe oo ay Faraaciintii soo gaadhay ayaa ay ereygii Hazaati ugu dhawaaqeen Qazaatu, muddo kadib ayaa uu haddana magacii mar kale is beddelay, waqtigaas oo ahaa markii ay talada gobolka la wareegeen maamulladii Ashuuriyiintii iyo Giriigga oo iyaguna kelmaddii Hazaati mar kale dhawaqeeda waafajiyey afkoodii, kana dhigay Cazaati, mararka qaarkoodna ku magacaabi jiray Faazaa.
Cibraaniyiintii ayaa iyaguna markii ay yimaaddeen markoodii ku kacay ficilkii magaaladan dishooday ee ahaa in qolo kastaa ay magaceeda wax ka beddesho sababo dhinaca dhawaqa afka la xidhiidha awgeed, waxa aanay qoladan Cibraaniyiintu magacii Qaza ugu dhawaaqeen Caza, markii ay Carabtu yimaaddeenna iyaguna mar kale ayaa ay magacii wax ka beddeleen oo xarafkii ugu horreeyey ee C ahaa waxa ay ka dhigeen Q waxa aanu magacii magaaladan taariikhiga ahi noqday Qaza.
Taariikhyahannadu waxa ay sheegeen in macnaha kelmadda Qaza uu yahay erey afkeenna hooyo ku macno dhowaanaya ‘Diidmo badan’ ama tilmaamaya awood iyo xoog ay iskaga caabbin karto cid kasta oo daandaansi iyo adyad la timaadda. Waa macne aynu odhan karno Ilaahay ayaa u qaaday oo sida aynu la soconno waxa ay noqotay halka laga huriyo dhimbiisha wax-iska-caabinta iyo halganka xornimo doon ee Falastiiniyiinta. Iyada oo ah deegaan ay ku xeeran yihiin Israa’iil iyo Masaarida oo xayiraad ku haya, isla markaana aanay cidi ka soo geli karin badda iyo cirka, marinka keliya ee la soo maraana uu yahay marinka Masar u furan oo marar dhif ah maalintii saacado kooban la furo, askar Masaari ah iyo kuwo Caalami ahina ay maamulaan, inta badanna iskaba xidhan, iyada oo ay sidaas tahay haddana reer Qaza waxa ay ku guulaysteen in ay noqoto meeshii ugu horreysay ee dhulka Falastiiniyiinta ah ee ka xorowda Yuhuudda. Weliba waxa ay ahayd xorriyad ku timid qori caaradii oo markii Israa’iil ay aragtay in khasaaraha maal, mood iyo nafba leh ee sida joogtada ah ciidamadeeda iyo dadkeeda uga soo gaadha Qaza uu ka badan yahay faa’idada ay ku qabto, ay qasab ku noqotay in ay qaadato go’aan dhan keliya ah oo ay si bilaa shuruud ah kaga baxayso Marinka Qaza.
Waxaa yaab leh in tan iyo markii ay Israa’iil ka baxday Qaza aanay mar keliya Falastiiniyiinta reer Qaza joojin halgankii ay kaga soo horjeedeen maamulka cunsuriyadda ku dhisan ee Tel Aviv. Qaza dadka ku nooli waxa ay samaysteen nidaam difaac iyo ciidamo adag oo xataa awood u leh in ay samaysan karaan hubka kala duwan ee ay ku dagaal gelayaan si aanay dibadda waxba uga baahan, waxaana dagaalkan hadda socda iyo kuwii horeba Israa’iil u suurtogeli weyday in ciidamadeeda lugtu ay gudaha u galaan guud ahaanba deegaanka Qaza oo ballaadhan wax ka badan 10 kilomitir.
Qaza iyo Taariikhda Islaamka:
– Imaam Shaafici: Imaamkii weynaa ee madhabta Shaaficiyada oo ka mid ah Afarta Sheekh ee lef Afarta Mad-habood ee fiqiga Islaamku waxa uu ku dhashay Qaza, sidoo kale waxaa magaaladan mucjisada ah ku dhintay Imaam Abu Xaniifah oo ah Imaamka mad-habta Xanafiyada, waqtigaas oo ku beegan sannadkii 767 Miilaadiga ama 150kii taariikhda hijriyada.
Booqashadii Ibn Batuuta ee Qaza:
Magaaladan taariikhda fog leh ee Qaza waxa ay ka mid tahay meelaha uu booqday dhul-mareenkii caanka ahaa ee Ibnu Batuuta, oo sida uu sheegay muddo dhowr maalmood ah joogay kadib markii uu sannadkii 1355kii safar kaga soo kicitimay magaalada Saalixiyah ee woqooyiga dalka Masar. Ibnu Batuuta waxyaabihii uu safarkiisaa Qaza ka qoray waxaa ka mid ahaa, “Waxa aanu soconnay illaa aanu gaadhnay magaalada Qaza, waa magaalada ugu horreysa dhulka SHAAM oo dhan ee Masar soo raacda. Waa magaalo dacallada aad ugu ballaadhan, camiran oo dad aad u tiro badani ku nool yihiin, suuqyadeeduna wanaagsan yihiin, waxaa leedahay deyrar dhufaysyo u ah iyo masaajiddo tiro badan, oo uu ka mid yahay Masjid Jaamac aad u fiican oo lagu tukado salaadda Jimcaha. Masjid Jaamacan waxaa dhisay Amiir Mucadam Al-Jaawuli, waa misaajid dhismihiisu aad u qurux badan yahay, farsamada lagu dhisayna aad u adag tahay, Mambarkiisu waxa uu ka samaysan yahay Marmar nooca tayadiisu sarrayso ah oo Cadaan ah” Qoraalkan waxa uu dhul mareenkaas muslimka ahaa ee Ibnu Batuuta ku qoray buuggiisa caanka ah ee “Tuxfatu An-Nadaar, fii Qaraa’ibi Al-Amsaar, wa Cajaayib Al-Asfaar oo uu ku ururiyey wax yaabihii uu kala kulmay safarradiisii kala duwanaa ee tirada badnaa.
Qaza iyo Taariikhda Islaamka:
Dowladda Islaamku waxa ay Qaza taladeeda si buuxda ula wareegtay xilligii uu hoggaanka muslimiinta hayey Khaliifkii koowaad ee Muslimiinta, saxaabigii weynaa ee Abi Bakar As-Saddiiq (Rabbi ha ka raalli ahaado), laakiin taariikhda Islaamka marka dib loogu noqdo waxaa la arkayaa in xidhiidhka ama isa-soo-galka Qaza iyo taariikhdu Islaamku aanay ka soo bilaabin xilligii dowladda Islaamku Qaza la wareegtay, oo ciidamadii Muslimiinta ee qabsaday uu watay saxaabigii weynaa ee Camar Bin Al-Caas (Alle ha ka raalli ahaado).La soco…