Dawladda Somaliya Oo Tacadi Kula Kacday Muwaadin Reer Somaliland Ah Oo Baasaaboorka Somaliland kaga Degay Muqdisho

0
625

Picture5Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliya ayaa tacadi kula kacday muwaadin reer Somaliland ah Md. Cumar Jaamac Faarax, ka dib markii uu isagoo ka socdaalay caasimadda Somaliland ee Hargeysa uu madaarka Muqdisho  kaga degay Baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland.

Cumar ayaa toddobaadkii hore wuxuu safar shakhsi ah ku tagay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, waxaana markii uu ka degay madaarka Muqdisho uu la soo baxay Baasaaboorka Somaliland oo uu ku socdaalayay isagoo dalbaday in dal ku galka Somaliya loogu dhufto. Hase yeeshe Cumar Jaamac, sida uu Geeska Afrika u sheegay saraakiisha ammaanka Muqdisho ayaa islamarkiiba si weyn uga cadhooday , waxaana uu taliye xigeenka waaxda socdaalka dawladda Somaliy uu  amar ku bixiyay in xabsiga loo taxaabo muwaadinkan reer Somaliland iyadoo loo gudbiyay waaxda sirdoonka dawladda Somaliya. Laakiin saacad ka dib waxa Cumar Jaamac laga damiintay xabsigii lagu xidhay, iyadoo laga dalbaday inuu u tago waaxda socdaalka ee Somaliya si ay su’aalo u weydiiso waaxda socdaalka Somaliya oo la wareegtay Baasaaboorkiisii Somaliland.

Hase yeeshe sida uu Cumar Jaamac Geeska Afrika u sheegay, markii uu Axadii toddobaadkan damcay inuu dib ugu soo noqdo caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxa mar labaad lagu xidhay madaarka Muqdisho oo uu saacad ku xidhnaa, iyadoo markii dambe laga soo furfuray waaxda socdaalka dawladda Somaliya, balse lagala wareegay Baasaaboorkii Somaliland.  Baasaaboorka Somaliland oo ah hanti qaran ayaa waxa dawladda Somaliland laga sugayaa inay dawladda Somaliya ka dalbato inay dib u soo celiso Baasaaboorka Somaliland oo ah hanti uu qarankani leeyahay. Talaabadan ayaa muujinaysa sida ay dawladda Somaliya ugu tumanayso xuquuqda bini-aadamka, waxaanay sidoo kale ku soo beegmaysaa iyadoo ay dawladda Somaliya weli doonayso in dib loo bilaabo wada hadalkii burburay ee Somaliland iyo Somaliya.