Dawladda Somaliya Oo Ka Cadhaysan Deryka Ay Kenya Ku Xidhayso Xadkeeda

0
506

Picture2Muqdisho(Geeska)-Dawladda Somaliya ayaa ka muraara dilaacday derbiga ay dawladda Kenya xadka ay la leedahay Somaliya ka dhisayso ee ay ku doonayso inay ku adkayso in xadkeeda laga soo galo dhinaca Somaliya.

Dawladda Somaliya ayaa u yeedhay safiirka Kenya u jooga Muqdisho si ay dawladda Kenya uga muujiso dareenka diblomaasiyadeed ee ay ka qabto derbigaas la dhisayo. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliya Cabdiraxmaan Odowaa oo shalay u waramay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay inaanay dawladoodu aqbalayn dhismaha derbigaas.  “Dowladda mowifkeeda waa cad yahay, darbigaas ay Kenya rabto inay xuduuda ka dhisto nagalama tashan, mana ogolin, dhowaan Wafdi Ra’iisul Wasaaraha hogaaminayay oo Kenya tagay, anigana aan la socday waa kala hadalnay dowladda Kenya arrintaas, waxay noo sheegeen in aanay jirin.” ayuu yidhi.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in markii ay arrintan dib u soo cuboonaatay maalin ka hor ay  dawladoodu  u yeedhay Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya, isla markaana loo gudbiyay cabasho, ayna ka sugayaan Jawaab.

Abwaan Sangub ayaa isna ku baaqay in jihaad lala galo dalka Kenya isagoo madaxweynaha Somaliya ugu baaqay inuu hoggaamiyo dagaal ka dhan ah dawladda Kenya.

Hase yeeshee dawladda Kenya ayaa u muuqata inaanay dheg u dhigayn dawladda Somaliya, iyadoo si rasmi ah u bilowday dhismaha derbigaas oo ay dadka qaar sheegayaan inay Kenya ka bilowday meelo ka mid ah gudaha Somaliya.