Qabsashadii Mexico iyo qaabka xiisaha leh ee uu Maraykanku kula wareegay Hawaii… Waxaa soo ururiyey Kamaal A. Cali … Q:5aad
Arrimaha kale ee aynu odhan karno Maraykanka waxa ay u diyaariyeen in uu noqdo quwad weyn oo caalamiya ayaa ah lacagta uu u huro dhismaha iyo horumarinta cududdiisa milateri. Dawladda Maraykan miisaaniyadda ay ciidamadeeda siisaa waxa ay ka badan tahay marka la isku daro kharashka ay Laba iyo tobanka dal ee dunida ugu awoodda badani geliyaan ciidamadooda.
In Maraykanku uu kharashkaas xad dhaafka ah u huro ciidamadiisu waxa ay ka mid tahay natiijada ka dhalatay dagaalkii qaboobaa ee dunida. Bals, taas oo keliya ma’aha ee waxaa iyaduna sababaha ka mid ah Maraykanka oo ka dhabaynaya siyaasadda milateri ee uu qaatay ee ah in uu isu dhigo ama noqdaba gaadh-hayaha ammaanka caalamiga ah iyo nidaamka dawladnimo ee dunida.
Hawlaha ammaanka caalamiga ah ee uu Maraykanku wax-ka-qabashadooda isu diro iyada oo aanay cidi ka dalban si uu dunida ugu muujiyo masuuliyad iyo in uu iska xil saarayo xasiloonida ummadaha waxa uu ku kasbaday sumcad badan iyo sidoo kale cabsi ay dalal iyo nidaamyo badan oo dunida ka jiraa kaga baqaan awooddiisa. Sannadkii 1979kii dalka Maraykanku waxa uu siyaasaddiisa difaaca iyo amniga ee rasmiga ah ku daray in ilaalinta shixnadaha shidaalka ee ka gudbaya Gacan Carabtu ay tahay waajib qaran oo isagu isu xil-qaamay.
Maadaama oo shidaalka marinka marayaa uu ahaa mid dunida oo dhami ka faa’idaysato, yahayna marinka uu maro shidaalka dalalka gacanka ee dunida oo dhan ku jihaysan, waxa ay arrintani sumcad weyn u soo kordhisay Maraykanka oo loo arkay in uu yahay masuul dhowraya xasiloonida dhaqaale iyo ammaanka caalamka, muhiimadda ay tallaabadani leedahayna waxaa ko u sii qaaday xilliga uu Maraykanku ku beegay siyaasaddiisan oo ahayd waqti guud ahaanba ammaanka marinkani aad u liitay.
Siyaasaddaas Maraykan ee ilaalinta ammaanka shixnadaha shidaalka, waa uu ka gaadhay ujeedkii uu ka lahaa, waxaana si nafsi ah ay cid kastaa ugu aqoonsatay in uu yahay awood muhiim ah oo xil-kasnimo iyo garasho wax dheeraatay iyo quwad aanay cidi u babac dhigi karin dhaqaale ahaan, diblumaasiyad ahaan iyo ciidan ahaanba.
12. Aqoonta iyo hal-abuurka cilmiga ah ee Maraykan iyo muhaajiriinta dhulkiisa ku qulqulayaa waxa ay kor u qaadeen awooddiisii:
Sababaha aynu u tirin karno awoodda Maraykan waa ay badan yihiin, waa run in bedka weyn ee dhulkiisa, cududdiisa ciidan, nidaamka isbahaysi ee uu dunida ku leeyahay iyo saldhigyada milateri ee uu meelaha istaraatijiga ah caalamka kaga fadhiistay ay qayb libaax ka qaateen, laakiin haddana intaas kuma koobnaan karto, oo waxaa jira arrimo kale oo aan xitaa qaarkood milateriga khusayn oo awoodda Maraykan ka qayb qaatay. Waxaa ka mid ah horumarka aadka u weyn ee uu Maraykan ka sameeyey dhinaca cilmiga casriga ah iyo cilmibaadhista oo mar kasta kor u sii socota, sababna u ah in uu dalku hoggaanka u qabto dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda caalamka.
In aqoonta saynisku Maraykanka awood ku leedahayna waxaa marag fudud oo dhow inoogu ah sida uu kelidii ugu guulaystay 371 abaal marinta caalamiga ah ee Noble Prize ka mid ah oo badankeedu yahay dhinaca sayniska, taas oo macnaheedu noqonayo in Maraykanka oo dadkiisu tirada guud ee dadka adduunka ka yahay boqolkiiba 4 keliya uu haddana ku guulaysto boqolkiiba 34 ah abaalmarinta Noble Prize.
Sababaha horumarka cilmiga u sahlay Maraykan waa ay badan yihiiin, waxaa ka mid khayraadka dabiiciga ah ee dalka, aqoonta, dhaqaalaha iyo siyaasadda qaranka ee dawladda faraysa in dhaqaale loo huro curinta iyo hal-abuurnimada sayniska, waxbarashada, aqoonta siyaasadeed ee dadka oo sarraysa, arrimahaas oo soo jiitay qul-qulka muhaajiriin dalkaas u digo roganaysa, dadkaas dalka degeyaana waxa ay kaalin mug leh ka qaataan xoogga shaqaale ee lagama maarmaanka ah oo dhaqaalihii u baahan yahay iyo aqoon dalka ku soo korodha, maadaama oo maskax badani ka soo haajirto dalalka dunida saddexaad iyo kuwa aan aadka u horumarin, si ay nolol fiican uga raadsadaan Maraykanka. Dhammaad