“Dawladda Somaliland; Way Ku Ceebowday Arrinta Axmed Geele, Way Ku Jabtay, Meel Xun Ayaad Iska Taagtay, Dhexdhexaadna Kama Tihid”

0
871

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha kumeelgaadhka ah ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Ismaacil Jirde ayaa xukuumada Somaliland ku dhaliilay inay si badheedh ah ula safatay dalka Jabuuti isla markaasna ay meesha ka saartay aamininaadii dawladnimo ee lagu qabay iyada iyo maxkamadaheedaba.

Guddoomiye Cabdiqaadir Jirde waxa uu sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha ka dhax taagan Axmed Cismaan Geele iyo dawlada Jabuuti oo uu sheegay inay ka xisbi Waddani ahaan   xog ururin ku sameeyeen, waxaanu xukuumada madaxweyne Biixi ku tilmaamay mid ceebowday kadib markii nin aanay gartiisa dhagaysan ay ku tilmaamtay tuug dal kale soo dhacay“ Arinta ugu weyn ee nalaga sugaayay ayaamahanba ee qarankan aadka u taabatay oo umadda oo dhami ay ka hadlaysay oo saamayn xun inagu yeelatay waxa weeye arinta ganacsede Axmed Cismaan Geele xisbi ahaan waxaanu goosanay anaga oo warbuuxa hayna mooyaane in aanan hadlin, alle ayaa mahadleh maanta way soo dhammaatay, dawladu siday u hadashayna waad arkayseen afhayeenkii ganacsaduuna waakii jawaabta ka bixiyay, anagana waxa noo suurto gashay inaanu wakhtidheer la yeelano ganacsadaha oo waraysano oo xog ka soo qaadano, ninkani waa nin muwaadin ah Somaliland  ah nin dalkan iyo dadkan laga xigo maaha,waa maalgashadaha ugu weyn ee Somaliland maalgaliyay, waana ninka Coca cola keenay, labaatan milyan warshad ah oo maantana halkay marayso iyo suuqa  ay haysato ee awoodeeda lagu qiyaasayo dhawr boqol oo milyan, waa uu garnaqsaday xukuumadu waxay wakiil ka noqotay baankii iyo xukuumadii Jabuuti waxaan taariikhda la maqlin oo aan dhicin ayaa la arkay, nimankii dhexdhexaadka noqon lahaa ee waliba muwaadinkan xaqiisa u dooni lahaa way xukumeen madaxweynaha ayaana xukumay, afhayeenka madaxtooyadu waxa uu ku hadlaa afka madaxweynaha waa uu xukumay oo waxa uu yidhi waa tuug danbiile ah oo dal shisheeye soo dhacay oo halkan la soo galay, waxa uu ku eedeeyay inuu xasilooni daro dalka ka abuuray oo uu ictiraafkii dib u dhigay oo wax u dhimay madaxweynihi umaddu dooratay inuu maanta dawlad shisheeye, Jabuuti waa dawlad shisheeye ama aynu walaalo ahaano ama daris ahaano, way inoo kala xadaysantahay xuduudeenu, laba qaran oo daris ah ayaynu nahay laba qaran oo isku milma ma nihin, waxa dhacday in xukuumada iyo madaxweynuhu ay wakiil u noqdeen dawlada Jabuuti, waa wax aad iyo aad looga xumaado umadiina kala qaybisay, qaranimadeeniina shaki galisay.”

Guddoomiyaha kumeelgaadhka ah ee Waddani oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ lagama filayn maanta inay xukuumadu mawqifkaas qaadato, waxay ahad inay door shariif ah ay qaadato oo dhex dhexaad ah oo isku soo jiid ah oo xog urursi ah intiiba way ka gaabisay, maantana wax arintaas lagaga aaminayaa ma jirto  cid uga fadhida inay talaabo wanaagsan oo dhexdhexaad ah qaadaana ma jirto waa dhinac, nin dhinac ahina arinta ma gali karo, waynu ognahay in aan baana hawl yaraan lacag ku bixin oo markaad baan lacag ka qaadanyso damaanad ayaa la dhigaa rahan ah oo uu isagu soo qiimeeyo oo intii uu ku siinayay in ka badan ah waa qaynuun dawli ah arintaasi isaga iyo baanka ayay ka dhaxaysay hantidiisii halkaas taalay ee baanku la wareegay inay dhamaysatay labaatankii iyo in aanay dhamaysan Axmed iyo baanka ayay u taalaa xukuumadani meel ay ka soo gashaa ma jirto, waxa timi Axmed hantida ka maqan, hantidu halkaas ayay taalaa haddii dawladii Somaliland iyo madaxweynaheedii uu Jabuuti wakiil ka noqday taasna wakiil ha ka noqdo oo ninkaas waxiisa haw doono oo dhexdhexaad ha ka galo oo ha yidhaahdo ninkan waxbaa ka maqan ka dawbaxa; maaha in la yidhaahdo Axmadow adigu daw bax 128 milyan oo doolar ayuu sheeganayaa inay kaga maqantay dawlada Jabuuti, waxay ahayd in dawladu ay taasna ka hadasho.”

Ugu danbayntii waxa uu xukuumada Somaliland iyo maxkamadaheedaba ku tilmaamay kuwo aan la aamini karin oo dhan ah loona baahanyahay ninkaas in cid dhex ah ay arintiisa gasho.“ Qaabka maxkamadaheena loo soo mariyay ee Axmed kaga cawday ninkii wax loo sheeganayay ayuu ahaaye dawlada Jabuuti haddii ay go’aan maxkamadeed keentay oo baankii keenay in la’la wadaago ayay ahayd, la’lama wadaagin haayadii oo dhan ayay soo martay waxay u timi maxkamadii rafcaanka loomana sheegin waxay ahayd uun in go’aan degdeg ah inta la gaadho uun la yidhaahdo Axmadow waxaagii waa la xayiray ee daw bax, maantana arintaas maxkamad reer Somaliland ah oo lagu aaminayaa ma jirto go’aankay soo saartaana maaha go’aan soconaaya, ninkani waa uu dhacanyahay dhac dushiina laguma garamo, dawlada Somaliland waxaanu leenahay aritaas waad ku ceebowday, waad ku jabtay, meel xun ayaad iska taagtay, dhexdhexaadna kama tihid adiga iyo maxkamadahaaga cid aaminaysaa maanta oo odhanaysa dawlad ahaan iyo garsoor ahaan ayaan ku galaynaa ma jirto, waxa loo baahan yahay Axmed hadalkiisii waad  maqlayseen, waxaanan ku soo gunaadayaa oo uu isagu yidhi inuu daw bixiye yahay iyada oo waxaas oo dhami ay ka maqan yihiin, halaga daw baxo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here