Dawladda Somaliland Oo Sheegtay In Xidhiidhka Al-Shabaab Iyo Xuutiyiinta Yemen Uu Khatar Ku Yahay Amniga Badda Cas & Digniinta Ee Ay Soo Saartay

0
41

Hargeysa (Geeska) – Xukumadda Somaliland, ayaa sheegtay inuu xidhiidh ka dhexeeyo kooxaha Al shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen, kuwaasi oo iska kaashanaya khalkhal galinta amaanka gobolka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL,  Maxamed Kaahin Axmed, oo waraysi siiyay Muuqbaahiyaha Al Carabiya, qaybta ku baxda Afka-Carabiga, ayaa dowladda Somaliya ugu baaqay in ay wax ka qabato xidhiidhka cusub ee dhexmaray  kooxahan. “Waxa jira xidhiidh adag oo ka dhexeeya kooxaha Xuutiyiinta iyo Al Shabaab taasina waxay khatar ku tahay nabadda gobolka. Dowladda Soomaaliya waa in ay xakamaysaa iskaashiga kooxahan” Waxa uu beesha caalamka ugu baaqay in ay door wayn ka ciyaarto xakamaynta dhaqdhaqaaqyada khatarta ku ah ganacsiga gobolka, isla-markaana, aan lagu halayn Somaliland amaanka badda Cas. Maraykanka ayaa hore u sheegay in uu jiro xidhiidh ay sameeyeen kooxaha Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab, taasi oo laga yaabo in ay sababto in Xuutiyiintu ay hub xoogan siiyaan Al Shabaab.