Hargeysa(Geeska)-Dawladda Norway ayaa sheegtay inay Somaliland ka caawinayso farsamada wada hadalada u socda dawladaha Somaliland iyo Somaliya. Danjiraha Norway u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Jens Mjaugeal, oo kulan uu shalay la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo, ka dib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay Norway Somaliland ka caawin doonto arrintaas iyo kuwo kale, “Waxa aannu eegaynaa sida ugu fiican ee aannu idiinka caawin karno xagga farsamada wadahadalka Somaliland iyo Soomaliya ka dhaxeeya, haddii aan anigu ergay ahaan iska hadlo Norway waxay qabtaa in mustaqbalka wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya waxay noqonayso idinka idinku xidhan tahay in wada hadaladaasi hore u socdaan. Waxa kale oo ay idinka caawinayaan dhisada xagga awoodda khayraadka dabiiciga ah iyo maaraynta khayraadkaas.”
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu danjiruhu yidhi “Waa inaan ka taxadiraa waxaan odhanaya, sababtoo ah waxa jira dad badan oo Somaliland ah oo ku dhaqan Norway, waana in aan ogaadaa in aan halkaa ku waayayo qoys, kuwaasoo markaan noqdo I waydiinaaya su’aalo badan.Waxa aanu halkan u nimi in aanu Somaliland la falanqayno sidii aanu uga caawin lahayn horumarka, una noqon lahayd Somaliland waddamada ugu barwaaqaysan Afrika.”
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxa maanta farxad weyn noo ah in aannu ku soo dhawayno qasriga madaxtooyada ergaygii qaabilsana Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan Norway, horrena wuu u yimi dalka oo sannadkii 2007-dii ayaa ugu dambaysay. Ergayga iyo annagu waxaannu ka wada hadlaynay sidii dawladda Norway oo aanu cilaqaad weyn la leenahay sidii aanu cilaqaadkayaga iyo horumarkaa u kobcin lahayn, sidaannu u wada shaqayn lahayn.”
Wuxuu wasiir Biixi intaas raaciyay “Norway waxay khibrad xoog leh u leedahay arrimaha shidaalka amma khayraadka dabiiciga ah sidii ay wax innooga tari lahayn, inoogana dhisi lahayd hadday tahay aqoon iyo awood kobcinba, hadday tahay arrimaha kalluunka amma khayraadka kale,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu.
Wasiir Maxamed Biixi waxa uu tilmaamay in Norway ay kaalin ka qaadanayso sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi “Sidoo kale waxaannu ka wada hadalnay siday wax noogala qaban lahaayeen arrimaha innaga dhaxeeya Muqdisho ee ay ka mid yihiin wada hadalada siday hore ugu socon lahaayeen, arrimaha nabadda, xagga budhcad-badeeda oo aad iyo aad ay u tixgeliyaan in aynu shaqo fiican ka qabano iyo xagga argagixisada oo shaqo wanaagsan aynu ka qabanay ayey noogu tahniyadeeyeen.” “Waxa aannu doonaynaa in cilaaqaad buuxda aanu la yeelano, dawladda Norway, waa dawlad aad khibrad ugu leh xagga wahadalada, xagga shidaalka iyo macdanta, waddamo badana wax u qabtay, marka waxay doonayaan in ay wax nala qabtaan oo aanu soo dhawayno,”ayuu intaas raaciyay Wasiirku.