Dawladda Masar Oo Somaliland Ku Caawinaysa Dhakhaatiir, Khubaro Tababarro Siiya Mihnadlayaasha Caafimaadka Iyo Unug Ka Shaqaynaya Maydhista Kelyaha

0
666

Picture7Qaahira (Geeska)- Wasiirka Caafimaadka ee dalka Masar Dr. Caadil Cadwi ayaa waraysi uu dhowaan siiyey wargeyska caanka ah ee Al-Ahram waxa uu ku sheegay in dawladda Masar ay dhowaan dhakhaatiir kala duwan iyo tababareyaal caafimaad u soo diri doonto Somaliland. Isla markaana ay ka dhisi doonto unug caafimaad oo qaabilsan kelyaha iyo tababarka  kaadiriinta caafimaadka ee Somaliland.

Waraysigan uu wasiirku ku faahfaahinayey gacanta ay dawladdiisu ka geysato caafimaadka iyo horumarinta dalalka Afrika, gaar ahaan bariga Afrika iyo dalalka uu webiga Nile soo maro, waxa uu ku sheegay in qorshayaasha siyaasiga ah ee dalkiisa ay ka mid tahay in ay ka dhex muuqato dalalka Afrika, soona ceshato kaalinta miisaanka leh ee ay ku jirtay.

Dr. Caadil Cadwi oo ka hadlaya gacanta caawimo ee ay Masar ku leedahay ama qorshaynayso in ay ku yeelato Somaliland ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Gobolka Somaliland, waxa aanu u diri doonnaa kooxo caafimaad oo qaabilsan daweynta, qalniinnada iyo tababarrada mihnadlayaasha caafimaadka” Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku sii daray, “Waxa aanu ka dhisi doonnaa (Somaliland) unug ama wax ka shaqaysa caafimaadka keliyaha

aysa maydhista kelyaha”

Wasiir Caadil oo sidoo kale sheegay in caawimooyin kuwan la mid ah uu dalkiisu u fidinayo dalka Chad, marka uu ka hadlayey caawimadan ay Somaliland u qoondaysay dawladdiisu, gaar ahaan gacanta ay u fidinayaa dadka Somaliland gudaheeda xaalkooda caafimaad waxba lagaga qaban kari waayo, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa aanu qaabilaynaa bukaanka ka soo jeeda gobolkan (Somaliland) si loogu soo daweeyo cisbitaallada wasaaradda caafimaadka ee Masar.

Waraysigan waxa kale oo uu wasiirka caafimaadka dalka Masar ku sheegay in ay caawimooyin kuwan la mid ah ka geysteen dalal ay ka mid yihiin Chad, Itoobiya oo toddobaadkan Masar ay u dirtay 12 dhakhtar oo leh takhasusyo kala duwan, Suudaan, Koonfurta Suudaan, Burundi, Ruwanda, Kenya, Jamhuuriyadda dimuqraaddiga ah ee Congo, Eritrea, Equatorial Guinea iyo Nigeria, dalalkaas oo sida uu wasiirku ku sheegay loo diray ama qorshaha sannadkan ku jirta in loo diro dhakhaatiirt takhasusyo kala duwan ah, tababarayaal caafimaad iyo farsamoyaqaanno dayactira qalabka caafimaadka ee dalalkan.

Dr. Caadil Cadwi waxa uu waraysigan ku sheegay in caawimooyinkani ay ku arooraan siyaasadda arrimaha dibadda dalka Masar oo ah in ay xoojiso iskaashiga dalalka oo ay kaga xidhan yihiin dano dhinaca webiga Niilka ahi.