Dawladda Maraykanka Oo Dhirbaaxo Ku Dhufatay Madaxweynaha Somaliya Oo Ay Ku Tilmaantay Nin Ay Hoggaamintiisu Jilicsantahay

0
595

dhirHargeysa(Geeska)-Agaasimaha Sirdoonka Maraykanka Mr. James Clapper, ayaa dhirbaaxo lama filaan ah ku dhuftay siyaasadda hoggaamineed ee Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu si kulul u weeraray.

Taliyaha sirdoonka Maraykanka oo khamiistii u xog-waramayay guddiga aqalka Senetka Maraykanka u qaabilsan amniga, oo uu uga waramayay ammaanka caalamka iyo argagixisada, ayaa wuxuu si cad u sheegay inuu Xasan Sheekh Maxamuud yahay hoggaamiye jilicsan oo aan awoodi karin inuu waajaho caqabadaha kala duwan ee ka jira Somaliya.  “Kalsoonida iyo wax-tarka dawladda da’da yare e Somaliya waxa khatar dheeraad ah ku haya dagaalka gudaheeda  ee sii socda, hoggaan jileeca Madaxweyne Xasan Sheekh, qalab xumada hay’adaha dawladda iyo gaabiska farsamo, siyaasadeed iyo maamul ee jira.” Sidaas ayuu sarkaalkani si cad u yidhi.

James Clapper madaxa sare ee sirdoonka maraykanka wuxuu kaloo sheegay in ururka Al-shabaab ee Soomaaliya iyo al-qaacidada Yeman si buuxda loo jebiyey, waxase uu haddana tilmaamay inay meelo kale ku sii xoogaysteen, waxaanu ka digay khatar iyo weeraro uu sheegay inuu ururka Al-Shabaab ugu tallo galay wadamada Bariga Afrika ee ay Somaliya ciidamadu ka joogaan.

Madaxa guddiga sirdoonka ee wakiilada maraykanka ayaa xildhibaanada u sheegay in kastoo la jebiyey Al-shabaab iyo al-qaacido kale oo caalamka ah, inay xoogaystay awooda ururka ee dalalka Mali, Liibiya iyo Masar oo ku yaala Afrika.

Hadalkan ayaa dhirbaaxo ku ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu raysalwasaaraha cusub ee uu magacaabay toddobaadkii hore sameeyay dawlad cusub, waxaana hadalkan laga dhadhansan karaa aragtida ay dawladda Maraykanku ka qabto Madaxweynaha Somaliya, taas oo cadaynaysa inuu Xasan Sheekh lumiyay kalsoonidii uu Maraykanku ku soo dhaweeyay markii xilka loo doortay oo uu markii u horaysay 21 sannadood aqoonsaday dawlad ay Somaliya leedahay.

Dawladda Somaliya ayaa ka aamustay inay ka jawaabto dhaleecayntan uu Maraykanku ku liishaamay Madaxweynahooda Xasan Sheekh Maxamuud.