Dawladda Itoobiya Oo Xarunta Qaramada Midoobay Ka Dhex Difaacday Heshiiska Aqoonsiga Somaliland

0
33

Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Arrimaha dibedda ee Dawladda Itoobiya, ayaa difaacay heshiiska badda iyo aqoonsiga ee dhex maray Somaliland.

Wasiirka Arrimaha dibedda Itoobiya oo khudbad ka jeediyey Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in heshiiska horaantii sanadkan dhex maray labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya uu salka ku hayo siyaasad ku dhisan wadaaga barwaaqada iyo horumarinta gobolka.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya wuxuu ku salaysan yahay siyaasad, ujeedadayaduna waa koboc iyo barwaaqo la wadaago gobolka oo dhan”  Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie oo khudbad ka jeediyey xarunta qaramada Midoobay ee New York.

Wasiirku wuxuu Dawladda Somalia ugu baaqay inay ka shaqayso arrimaha gudaha dalkeeda oo aanay isku mashquulin heshiiska dhex maray Somaliland iyo Itoobiya