Dawladda Itoobiya Oo Shidaalkii Ay Dekedaha Jabuuti Kala Soo Degi Jirtay U Soo Wareejinaysa Dekedda Berbera Ee Somaliland

0
27

Hargeysa (Geeska) – Dawladda Itoobiya ayaa ka walaacsan awoodda Soo dejinta shidaalka ee Terminaalka Shidaalka ee Dekedda Jabuuti ee loo yaqaano Horizon. Itoobiya oo horeba u dhaliilsanayd awoodda Soo dejinta iyo dhoofinta ee Dekedaha dalka Jabuuti, ayaa laga soo xigtay in Terminaalka shidaalka ee Dekedda Jabuuti aanu awood buuxda u lahayn fulinta adeegyada shidaalka ee Itoobiya halkaasi kala soo degto.

“Dhibaatooyin xagga awoodda ah, ayaa ka jira terminalka shidaalka ee dekedda Jabuuti..” ayaa lagu yidhi war uu daabacay Wargeyska Ethiopian Reporter  oo ka soo baxa Addis Ababa.

Hay’adda Shidaalka & Tamarta ee Itoobiya ayuu Wargeysku ka soo xigtay Inay danaynayso inay shidaalka dheeraadka ah ee ay u baahan tahay kala soo degto Dekedda Berbera “Soo dejinta shidaalka dheeraadka ah ee Dekedda Berbera ee Somaliland waxaa tixgelinaysa Itoobiya..” ayay sheegtay Hay’adda Shidaalka iyo Tamarta ee Itoobiya, taas oo intaa ku dartay “Xaqiijintu waxay muujisay in Dekedda Berbera ay leedahay tas-hiilaad ku filan”