Hargeysa(Geeska)-Dawladda Ingiriiska ayaa ka hadashay socdaal uu wasiirka horumarinta caalamiga ah ee wadankaasi Grant Shapps jimcihii ku yimid magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.
Warsaxaafadeed ay wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriisku, shalay soo saartay waxay ku sheegtay in socdaalka wasiirku salka ku hayay xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska. Waxaanu kala hadlay madaxda Somaliland in laga shaqeeyo inaanay doorashadu dib u dhicin, “Hargeysa, Mr. Shapps wuxuu kula kulmay Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno kale oo wasiiro ah oo ka tirsan Somaliland, si loo sii xoojiyo xidhiidhka qotada dheer ee u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska iyo in loogu baaqo dhinacyada ay khusayso inay u midoobaan oo ay ka fogaadaan dib u dhacyo dheeraad ah oo ku yimaada doorashada. Wuxuu xaqiijiyay mawqifka Ingiriiska ee horumar-wadaagta aasaasiga ah ee Somaliland oo uu ka mid yahay saxeexa heshiis lagu tageerayo abuuritaanka khayraadka tamarta la cusboonaysiin karo.” Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.
Warsaxaafadeedka Ingiriiska, waxa lagu sheegay in dawladda UK ay ka go’antahay taageerista Somaliland, “Ingiriiska waxa ka go’an taageerista qof kasta oo Somaliland jooga si loo dhiso mustaqbal wanaagsan. In si fudud loo helo koronto la isku halayn karo iyo biyo nadiif ahi waxay muhim u tahay wadan kasta oo doonaya inuu ka baxo faqriga.”
Ugu dambayn waxa lagu sheegay inay Somalialnd sii ilaashato sumcada ay dunida ka heshay ee ah dimuqraadiyadda iyo nabadgelyada, “Somaliland waxay sumcad u qalanta ku heshay nabadgelyada iyo dimuqraadiyadda ay ka hirgelisay gobalka qasan waxaanay u baahanyihiin inay dariskooda kala shaqeeyaan kor u qaadista degenaansho balaadhan.” Ayuu yidhi warsaxaafadeedku.