Dawladda Imaaraadka Carabta Oo Xidhay Ganacsade Soomaali Ah Oo Xidhiidh La Leh Ganacsato Reer Somaliland Ah

0
858

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay xidhay ganacsade u dhashay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya Shariif Axmed.

Ganacsadahan oo ganacsi ku leh dalka UAE ayaa waxa la sheegay in dawladda UAE ku tuhuntay inuu shidaal uu ka iibsaday dalkaas uu ka iibiyay xuutiyiinta Yemen. Warku wuxuu sheegay in ganacsadahan oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee shidaalka ugu badan ka iibsada dalka UAE, una iib keena dhulka Soomaalida ay dawladda UAE muddo ku raad-joogtay, mana jirto wax war ah oo ay dawladda UAE ka soo saartay xadhiga ganacsadahan.

Ganacsadahan ayay wararka qaar sheegayaan inuu xidhiidho ganacsi oo shidaalka ah la leeyahay xubno ka tirsan ganacsatada Somaliland ee dalka keena shidaalka ay ka soo waaridaan dalkaas UAE.