Dawlada Itoobiya Oo Xayirtay Akoonada Dad Looga Shakiyay Inay Ku Lug Leeyihiin Suuqa Sarrifka Lacagaha Qalaad

0
19

Itoobiya (Geeska)Hay’adda Amniga Maaliyadeed ee dalka Itoobiya ayaa shaacisay in xisaabaadka bankiga ee 138 eedeysane oo ku lug leh suuqa sarrifka lacagaha qalaad oo aan sharci haysanin ayaa  la xayiray, sida ay baahisay warbaahinta dowladda itoobiya.

Xayiraadda xisaabaadka bankiga ee 138-ka tuhmanayaal ayaa timid maalmo uun kadib markii guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Itoobiya, Mamo Mehret, uu ka digay in dadka ka ganacsada suuqa sarrifka aan sharciyeysneyn laga qaadi doono hantidooda haddii aysan joojin falalkaas.

Hay’adda Amniga Maaliyadeed ee dalka ayaa war-saxaafadeed ay siisay warbaahinta ku sheegtay in ay si dhow ula socoto ganacsiyo iyo shakhsiyaad ka shaqaynaya “sarrifka lacagaha qalaad ee sharci-darrada ah” si caadi ah oo ganacsi ahaan loo maamulo.

Warbixinnadu waxay sheegayaan in hawlaha maaliyadeed ee 138 tuhmanayal, kuwaas oo hay’addu ku tilmaantay inay yihiin kuwa doorka muhiimka ka ciyaarayey suuqa sarrifka lacagaha qalaad ee aan sharciyeysneyn la xannibay.

War-saxaafadeedka ayaa xusay in Itoobiya ay leedahay sharci iyo hannaan nidaaminaya habka wareejinta lacagaha xuduudaha ka gudba, si loo hubiyo in adeegyada sarifka lacagaha qalaad loo maro bangiyada iyo suuqa sarifka sharciyeysan. Waxaa kale oo lagu sheegay in tani ay “mas’uuliyad sharciyeed oo culus saari doonto cid kasta oo ku hawlan adeegyada sarifka lacagaha ee sharci-darrada ah.” Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in ganacsatada ay ku baraarujiyeen in ay adeegsadaan nidaamka caadiga ah ee Bankiyada, maaddaama ku lug lahaanshaha suuqa sarifka lacagaha qalaad ay muteysan karaan xarig adag iyo in hantidooda lagala wareego.

“Fal dambiyeedka ah kaliya ma ahan mid wiiqaya habsami u socodka nidaamka maaliyadeed ee dalka, balse sidoo kale wuxuu wiiqayaa ujeedooyinka iyo yoolalka dhaqaalaha sare, dhiirigelinta falalka argagixisanimo iyo furitaanka albaabka fiditaanka dambiyada maaliyadeed ee kale,” ayaa lagu xusay qoraalka , isagoo intaa ku daray in la xoojin doono tallaabooyinka sharciga ah.

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Itoobiya Mamo Esmelealem Mihretu, ayaa digniin adag diray intii lagu guda jiray shir jara’id oo arbacadii qabtay isagoo xusay in tallaabo adag laga qaadi doono ururrada sharci-darrada ah ee ka hawlgala Isutagga Imaaraadka Carabta kuwaas oo “ballaariyey suuqa sarifka lacagaha ee aan sharciyeysneyn.”

Guddoomiyahu wuxuu intaa raaciyey “Waxaan si dhow ula soconay, isla markaana aan qaadnay tallaabooyin adag, gaar ahaan maalmihii u dambeeyay, iyadoo aan ogaanay inay jiraan hay’ado sharci darro ah oo ka shaqeeya magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, kuwaasoo ka leexanaya xaaladda suuqa.

Bankiga ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay afar xawaaladood oo uu sheegay in ay ku lug leeyihiin “dhaqidda lacagaha dambiyada ah iyo maalgelinta hawlaha sharci darrada ah.”

Bangigu wuxuu war-saxaafadeedkiisa ku xusay afar shirkadooda kuwaas oo fadhigoodu yahay Maraynanka kala ahna Shegey Money Transfer, Adulis Money Transfer, Ramada Pay, iyo Taj Money Transfer.

Bangigu wuxuu sheegay in lacagta laga soo diro hay’adahan ay “ku xiran tahay la wareegida ujeedooyinka dhaqidda lacagaha dembiyada.”

Waxa uu sidoo kale ka digay in bangigu uu sii wadi doono baaritaanka socda oo uu qaadi doono “tallaabo ku haboon hadba sida loo baahdo.”

Dowladda waxay isku dayeysay in ay saxdo nidaamka sarrifka suuqa laga soo bilaabo sanadkii hore si loo yareeyo lacagaha qalaad ee suuqa madow.

Itoobiya waxay hoos u dhigtay qiimaha lacagteeda iyada oo adeegsanaysa sicirka sarifka lacagaha ee suuqa ku saleysan, taasoo qeyb ka ah heshiis ay la gashay Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka si ay u hesho deyn dhan $10.7 bilyan.

Waxaa la gaadhay go’aan lagu beddelayo nidaamkii muddo tobanaan sano ah ay dawladu maamuli jirtay, kaas oo ahaa Suuqa Sarifka Lacagaha Qalaad ee Joogtada ah, loona guurayo nidaam ku shaqeeya baahida suuqa.

Waxaa xusid mudan in awoodda wax iibsiga ee qalinku ay daciiftay 57 boqolkiiba hal toddobaad gudaheed.

Dadka deegaanka iyo tafaariiqleyaasha oo BBC-da ay xilligaasi wareysatay ayaa sheegay in kor u kac weyn uu ku yimid qiimaha badeecadaha iyo agabka kadib kororka.

BBC waxay isku dayday inay jawaab ka hesho madaxda shirkadda xawaaladda Taaj oo magacooda lagu sheegay warbixinta, hase yeeshee maas’uuliyiintii aan la xiriirnay waxay ka gaabsadeen inay jawaab ka bixiyaan arrintan. Sidoo kale waxaan noo suurto gelin in aan jawaab ka helno shirkadda Kaah oo ayadana lagu sheegay warbixinta.