“Dawlad Aan Mucaaradba Lahayn Dawlad Maaha; Mararka Qaarkood Dawladani Mucaarad Ayay Tabaysaa”

0
1514

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay inay dawlada madaxweyne Muuse Biixi ay tabayso mucaarad la xisaabtama.

Maxamed Kaahin ayaa sidan ka sheegay shir weynaha saxaafada oo ay soo qaban qaabisay wasaarada warfaafinta ee Somaliland waxaanu ugu horayntii ka hadlay saxaafada iyo waxyaabaha ay u qabato bulshadeeda ay u adeegto  “Saxaafadu waxa ay ka mid tahay ururada ama haayadaha ka dhex farcama nidaamka dawliga ah iyo shuruucdiisa, waxa aynu ka war qabnaa oo aan la dafirayn saxaafada Somaliland ama saxaafada caalamkaba ha ahaatee inay yihiin laf dhabar bulshada dhexdeeda ka shaqaysa oo waxyaabo badan bulshooyinka u qabata hadday tahay warbaahinta oo ay wararkooda qaranka gaadhsiiyaan iyo arimaha bulshada inay qayb weyn ka qaataan, waxaynu ka qar qabnaa nidaamyadaasi marka sidaas u degan yihiin, waxa is weyndiin leh saxaafadu ma mid dawlad gooni ah iyadu ahbaa, ma mid aan iyada iyo qarankeedu wada shaqaynbaa, guddoomiyaha Solja waa kii halkan ka hadlay warbixin fiican waa bixiyay laakiin waxa uu u hadlay iyada oo ay saxaafadu tahay qolo yar oo dawlad ah oo saxaafad la yidhaahdo oo qaranka Somaliland aanay meelna iskaga xidhmin.”

Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sheegay in xukuumadoodu ay tabayso mucaarad “Dawlad aan mucaaradba lahayn dawlad maaha mararka qaarkood dawladani mucaarad ayay tabaysaa. Ujeedada aynu ka leenahay saxaafadeenu ma in ay fidiso qabyaaladaa mise inay ka hortagto qabyaalada oo aanay fidin,miyaynu isku dafiraynaa in ay maalin walba saxaafada ka soo baxdo haddaanu reer hebel nahay sidaas iyo sidaas hadaan la yeelin tan lagu wada noolaan maayo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here