Darawalka Booyadii Lagu Weeraray Deri-godle Oo Ka Waramay Qaabkii Wax U Dhaceen

0
640

Picture5Hargeysa(Geeska)-Darawalka waday gaadhi booyad ah oo shidaal ka soo qaaday Berbera, ayaa ka waramay kooxo hubaysan oo shalay duhurkii ku weeraray deegaanka Derigodle ee Hargeysa iyo Berbera dhexdooda.

Darawalkan oo saxaafadda u waramay wuxuu sheegay in booyada oo siday 75 foosto oo shidaal ahi ay ka timid magaalada Berbera kuna sii jeeday Hargeysa, balse ay dhexda u galeen kooxo hubaysani, ‘Waxay ahaayeen afar nin, laba gaadhiga ayay saarnaayeen labana way ka soo degeen. labada soo degay waxay siteen qori Baasuuke ah iyo qori Ak47 ah. Istaaga ayay yidhaahdeen markaanu istaagnay eenu gaadhiga ka soo degnayna rasaas ayay nagu fureen markaanu dhinac uga dhaqaaqnayna afarta lix taayir ayay gaadhiga ka toogteen iyo taangiga biyaha.” sidaas ayuu yidhi wadihii booyadu, waxaanu sheegay inay afarta nin wateen gaadhi garande ah.

Geesta kale, guddoomiyaha gobalka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo u waramay shalay laanta afka Soomaaliga ee BBC, ayaa ka hadlay dhacdadan iyo dhacdo kale oo ka dhacay degmada Sheekh, waxaanu yidhi  “Waxay galeen meel wadada u dhaw waxayna rasaas ku rideen gaadhi shacab ah oo ku sii socday magaalada Burco, markaa buurta ayay galeen ciidankiina waa ka daba tagay oo waa ku maqan yahay. dhinaca kalena tuulada Daragodle la yidhaahdo dhawr Inan ayaa wadada galay oo waxay rasaas ku rideen Booyad shiidaal, waxayna ka fadhiisiyeen taayirada, cadhadana xogaa ayay ka gaadhsiiyeen,”

Shan nin oo ka soo jeeda dadka deegaanka Berbera ayaa midkiiba min hal bil oo xadhig ah ay ku xukumeen guddiga nabad gelyada ee gobolka Saaxil , sida uu sheegay guddoomiye Fahmi Cabdi Bidaar .

Guddoomiyaha ayaa sababta raggaasi loo xidhay ku sheegay inay tahay iyagoo abaabul ciidan ka waday wadooyinka ka baxa magaalada Berbera. waxaa nimankaasi lagu haystaa iyagoo ka soo horjeeda qorshaha xukumaddu ku wareejisay haamaha Shidaalka, sida xukumaddu ku dooday.