Danjire Cali Aadan Cawaale Oo Ka Baxay KULMIYE, Kuna Biiraya Waddani

0
588

Hargeysa(Geeska)-Ambasador Cali Aadan Cawaale oo ahaa wakiilkii hore ee Somaliland ee Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ku biiray xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, isla markaasna uu ka guuray xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Ambasador Cali Aadan oo u waramay weriye Badri Koosaar oo ka tirsan Star Tv, wuxuu yidhi "In muddo ah ayaan dalka joogay intaasna waxaan indho indhaynaayay arimaha dalka dhinac walba, dhanka

siyaasada,dhaqaalaha iyo amnigaba, magaalooyin badana waan maray, waxaan mudo dheer la soo shaqeeyay xisbiga Kulmiye oo waxaan ahaa safiirkii Ingiriiska u joogay Somaliland mudo shan sano oo wax la' ah,wax dhibaato ah oo aan maanta doonayo inaan halkan ka sheegaa ma jirto, laakiin war cusub oo igu soo kordhay markaan dalka indha indheeyay iyo siyaasadaba kaas oo aan doonayo inaan bulshada la wadaago ayaa jira, laga bilaabo todobaadkii aan soo dhaafnay waxaan go'aansaday inaan ka baxo Kulmiye oo u wareego xisbiga Waddani, asxaabta oo dhami waa kuweenii Kulmiyena waxaan ka sheegayo oo aan halkan kaga dhaleecaynayaa ma jirto, hase ahaatee aniga ayaa markii aan xisaabtamay arkay inaan u muuqdo qof la jaanqaadi kara xisbiga kale ee xisbiga qaran ah ee balaadhan ee Waddani sidaas ayaan ku go'aan gaadhay waxaanan doonayaa in laygu ixtiraamo oo saaxiibadaydii hore ee Kulmiye iyo kuwa Waddaniba ay sidaas ula socdaan."

Ambasador Cali Aadan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"Dabcan siyaasadu waa kaadhkaas wareega oo is badbadal badan ayay leedahay hase ahaatee marba haddii qofku uu ku jiro xayndaabka qaranka Somaliland, aniguna waxaan isku aqaanaa qof aad u jecel in qarankan Somaliland wax noqdo,qarankan Somaliland inuu adkaysto gooni isku taagiisa,in qaranku uu noqdo mid talaabooyinka uu qaadayaa ay yihiin kuwo aad looga fiirsaday, danta dalkuna waxay ku jirtaa in dawlada iyo dadkuba ay ka wada shaqeeyaan horumarka dalka, waxaan jeclay in qaranimada laga horaysiiyo wax kasta."

Cali Cawaale oo la waydiiyay waxa uu ku kala doortay Muuse iyo Cirro oo kala hogaamiya labadan xisbi ee midna uu ka tagay midna uu ku biiray waxa uu yidhi"Anigu ashkhaas kala dooran maayo, waxaan kala dooranayaa xisbiyada  iyo barnaamijkooda, Muusena waa mujaahid qaran, waa musharaxa xisbiga Kulmiye,  waa nin aanu saaxiib nahay oo aan ixtiraam weyn u hayo, Cabdiraxmaana waa sida oo kale waa nin aanu muddo badan saaxiib ahayn oo waliba isku dugsi aanu ahayn, laakiin labada xisbi midna umaddu way soo aragtay oo soo tijaabisay xukuumadiisa iyo waxqabadkiisa xisbigan kalena waa mid maanta ku cusub siyaasada laakiin la yimid barnaamij cad oo uu doonayo inuu dalka Somaliland ka hirgaliyo, anigu waxaan u arkay in xisbiga Waddani uu yahay mid himilada qarankan aan ka dhex arko."