Dallada SSE Oo Dareen Taban Ka Qabta Arrimaha Ka Soo Cusboonadey Wada-Hadalka Somaliland Iyo Somaliya

0
576

Picture4Hargeysa(Geeska)-Dalladda ay ku bahoobeen qurbe joogta Somaliland ee Yurub ayaa muujisay dareen taban oo ay ka qabto arrimaha ka soo cusboonaaday wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee muddooyinkan socday.

Warsaxaafadeed ay guddiga fulinta SSE soo saartay oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Geeska Afrika ayaa wuxuu u qornaa sidan “In mudo ah ayay Dalladu walaac ka qabtey halka iyo jihada looga baxayo wada-hadalka fashilmay ee  wakhtiyadan dambe lala wadey waddanka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya. Maalmahan dambe waxaa warbaahinadu soo tabineysay warar iyo hadalo laga soo xigtey dad ka soo jeeda Somaliland oo qaar ku joogaan waddanka, qaarna Soomaaliya ay ku suganyihiin. Intuba waxay ku hadlayeen waxyaabo ama odhaahyo meel ka dhac ku ah Qaranimada Somaliland. Baaqan Dallada SSE wakhti kuma luminayso inay magacyo shakhsiyaad ay xusto xusto, balse waxyaabaha iyo duruufaha ku xeeran wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya ayaa u baahan in la waadixiyo.

Waxa la soo gaadhey wakhti loo baahanyahay in dib loo jaleeco arrimaha wada-hadalkii iyo weliba in la mugdi saaro isla markaana lala yimaado istraatajiyad cad iyo mawqi toos ah oo mugdi saaraya waxyaabaha beryahan dhagaheena iyo dareenadeena ku soo dhacaya. Baaqan kooban inta aanaanu idiin soo gudbin dareenka ama fekerka aanu ka qabno bal marka hore aan idinla wadaagno inaynu dib-u-milicsano wada-hadaladii hore u dhacey iyo natiijooyinka ka soo baxay.

Wada-hadalada hore u qabsoomey

Waxaynu ogeyn markii la isugu yimid Shirkii caalamiga ahaa ee Somaliland ay kaga qayb gashay Magaalada London 23kii Febraayo sannadkii 2012kii, kaasoo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wafdi uu hoggaaminayaa ay ka qayb galeen.Mid ka mid ah go’aanadii ka soo baxay shirkaa caalamiga ah ayaa ahaa in wada-hadal u bilaabmo Somaliland iyo Soomaaliya si looga wada hadlo arrinka ama qadiyadda Somaliland ay dib ula soo noqotey madax-banaanideedii..

Somaliland meel adag ayay ka taagneyd in wada-hadal lala bilaabo Soomaaliya, balse si xujada beesha caalamka loo fuliyo ayaa Golayaasheena Qaranku Ogolaadeen in wada-hadal lala bilaabo Somaliland iyada oo loo igmaday in Xukuumadda Somaliland oo keliya ay arrinkaa wakiil uga tahay shicibka reer Somaliland.

Tan iyo wakhtigaa waxa qabsoomay shirar tiradoodu dhammeyd sagaal, kuwaasoo kii u horreeyay lagu qabtey London 20kii Juun 2012kii. Sagaalkaa shir oo kani ka mid yahay saddex ka mid ah waxa ka qayb galey Madaxweynayaasha labada waddan, kuwaasoo lagu kala qabtey Dalka Dubia 28kii Juun 2012kii, dalka Turkiga April 2013kii iyo dalka Jabuuti 20kii Diisambar 2014. Shantii kulan ee kale waxa lagu qabtey dalka Turkiga. Waxa xusid mudan in kulankii ugu horreeyay ee lagu qabtey magaalada London 20-21 kiin June inuu ka duwanaa kulanadii ka dambeeyay. Ugu horreyn waxa kulankan soo qabanqaabiyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ingiriiska oo ay wehelinayaan waddanka Norwey iyo ergey guud oo ka socdey EU. Waxa uu ahaa kulan culeyskiisa leh Dallada SSE waxay qabtaa dareen ah in kulankaa lagu lumiyey fursad dahabiya oo ina soo martey. Maadaam kulanka ay marti geliyeen labada waddan oo Yurub ah iyo ergey ka socda EU waxa khalad taariikhiya aheyd in ergadii ka socotey Somaliland ay ogolaatey markiiba in labada wafdi ay keligood ay arrimahooda wada xaajoodka ay iyagu dhammaysanayaan isla markaana aan loo baahneyn in cid weheliso. Waxa kale oo isna khalad taariikhiya ahaa in wada-hadaladii kaa ka dambeeyay uu waddanka Turkiga oo keliyi oo isugu ku keliyaystey oo abaabule iyo xidhiidhiyaba ka ahaa. Waxa la odhan karaa halkii ay markaa Somaliland is-dhigtey ayuunbaa lagula macaamilayay.

Maxaa hadaba ka soo baxay wada-hadaladaa Turkiga.

Inkastoo kulamada ay u dhaceyeen si siman, haddana waxa nasiib daro noqotey in wax kasta oo labada dhinac ay ku heshiiyeen in Somaliland lagu wacad furey. Si wada xaajoodka labada dhinac aanu u noqon mi midho dhala aya Soomaaliya si badheedh uga baxdey dhammaan hab-maamuuskii iyo baratakoolkii loo dhigey in lagu wada-hadlo.

1.     Waxay markiiba jebiyeen wixii aasaaska u ahaa wada-haddalada oo ahaa in la iska ilaaliyo waxkasta oo carqaladayna ama wax u dhimanaya habsami socodka shirarka. Marka kulanada laga soo laabto dacaayado ka dhan ah qaddiyada iyo madax-banaanida Somaliland ayay mas’uuliyiintoodu ka hadli jireen.

2.     Waxay ka baxeen heshiiskii dhinaca hawada ee ay la saxeexdeen dhinaca Somaliland oo ay si maragma doonta ah u buriyeen.

3.     Waxay ka baxeen inay ilaaliyaan inta wada-haddaladu socdaan wax kasta oo xasaasiyada dhalin kara.

4.     Dowladda Soomaaliya marnaba diyaar uma aheyn in la gaadho halka ama qoddobka Somaliland danaynaysay inuu shirka uga soo baxo oo ahaa in laga hadlo qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland. Si wada hadaladu u burburaana waxay markii dambe dhinacooda u soo wakiisheen dad asal ahaan ka soo jeeda Somaliland. Somaliland way u dul qaadatay inay wada-haddaladu jiitaamaan balse markii dambe waa lagu khasbay in kulanka wada-hadalku aanu sii socon oo lagu fashilmo.

 Maxaa hadda soo kordhey

 Waxa soo kordhey qorsheyaal ay wada wataan Soomaaliya isla markaana aanay ka madhnayn cid kasta oo cadow u ah qaddiyada Somaliland, taasoo ah in heerkii wada-haddalka loo celiyo heer ku salaysan madax-dhaqameedyo. Waxa beryahanba Muqdishu ka socdey shirar iyo kulano tiro beelay oo loogu yeedhay wada-tashi lala yeeshay dadka asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, kuwaasoo fure u noqonaya is-fahanka labada ummadood. Waxa nasiib daro iyo wax laga xumaado ah in dad ku hadlaya magaca salaadiinta ay warkaa dhegaha u taagaan oo ay ku hadlaan wax dhibaya dhegaha iyo dareenka dadka reer Somaliland. Waxa socda dedaalo lagu bixiyey wakhti iyo maal oo la rabo in lagu kasbado qaar ka mid aha madax-dhaqameedkeena iyo cid kasta oo u dhego nuglaata khiyaamada iyo dhagarta lala damacsanyahay Qaranka Somaliland.

Talo

 Dallada SSE iyada oo ka duuleysa duruufaha maanta ku xeeran ama ku gedaaman wada-hadalda hore u fashilmay ayaa waxa aanu ku talinaynaa:

–         In dib daraasad ay Somaliland ugu samayso dhammaan wada-hadaladii aynu soo marnay si mustaqbalka miiska loo soo dhigo sida ay Soomaaliya si badheedh ah u burburisay wada-haddaladaa.

–         In aan wax wada-hadal ah dib loo bilaabin ilaa iyo inta Soomaaliya ay ka waantoobayso ficilada fashiley wada-hadalkaa oo ay u horreyso khiyamada ku salaysan aynu wada-hadalno, isla markaana aan maalin kasta soo abaabulo wax ka dhan ah qaddiyada Somaliland iyo dareenka dadka reer Somaliland.

–         In haddii dib loo bilaabayo wax wada-hadal dambe ah in aan la ogolaanin in waddanka Turkiga oo keliyi uu farsamo ahaan dhexdhaxaad ka noqdo, balse wixii dhexdhexaadin ah ee dambe laga codsado sidii bilwogii ay ku bilaabantahay waddamada kale ee arrimahan xog-xgogaalka u ahaa sida UK, Norway iyo EU.

–         In dowladda Somaliland ay xaqiiqdo waajahdo taasoo ah baahida mahuraanka ah ee loo qabo sidii loo heli lahaa wada-hadalo ku salaysan qorshayaal leh qaab hufan oo la raaco oo ay dhexdhexaadin iyo  markhaati ka yihiin waddamada UK, Norwey iyo EU.

–         In dadka reer Somaliland mucaarid iyo muxaafidba gaar ahaan Golayaasha Qaranka iyo Axsaabtu ay arrinkan ka mideysnaadaan isla markaana xukuumadda lagu taageero inay mawqif adag oo bilaa naxariisa ay ka qaadato cid kasta oo baal marta.

 Mahadnaq

 Ugu dambeynta waxa aanu u mahadnaqaynaa Xukuumadda iyo Axsaabta Qaranka oo warbaahinta la qaybsadey sida ay uga soo horjeedaan hadalada soo yeedhay. Tani waxay muujinaysaa sida aynu uga mideysanahay qaddiyada guud, waana dariiqa keliya ee aynu ku guuleysan karno. 

Xasuusin

Qaranka Somaliland dhayal iyo fudeyd kuma iman, mana aha wax haddiyad iyo bilaash inagu soo galey. Dad kumanyaal ah ayaa naftooda ku waayay. Kumanyaal kale oo jooga ayaa naafo jidheed iyo mid maskaxeedba maanta la nool oo weli aan abaalkoodii la gudin. Waxa qoyan raadadkii iyo saameyntii uu inagu lahaa halgankii dheeraa ee aynu soo galnay. Karaamo daro iyo abaal la’aan ayay ku tahay dadkaa inay dhegahooda la maqashiiyo haddalada gefka weyn ah.

Wax ama shay banii’aadam maanta adduunka ku hantiyo waxa ugu qaalisan waa xorriyad iyo madax-banaani. Labadanba sahal kumay iman oo waynu ognahay xaaladaha loo soo maray. Somaliland inay sibiq iyo sahal ku tagto sidii lixdankii waa arrin aan filayo in aanu sinaba suuro-gal ugu noqonayn maanka iyo caqliga bulsho caafimaadka qabta.

 Gebogebo:

 Gebo-gebo ahaan ha dhowaato ama ha dheeraato Insha-Alla Somaliland mar ayay gaadhi doontaa himiladeeda kama dambeysta ah. Qof kasta oo reer Somaliland ah waxa naga xasuusin ah in Somaliland ay ka weyntahay shilimaad iyo dhaqaale kooban. Waxyaabaha ay aqoonsi la’aantu inagala maqantahay, waxa ka badan nimcada iyo karaamada aynu ku haysano waddanka aynu jecelnahay. Qofowna ha horseedin wax sharaf dhac ku ah ummada reer Soomaaliland. Waxa inagu socda taariikh iyo wakhti socda ee qof walowba cidhibtaada iyo ta carruurtaada ha uga tegin dhaxal taban oo lagugu xasuusto.”