“Dahab-shiil Iyo Telesom In La Daadihiyo Mooyee, May Mudnayn In Maanta Lagu Tunto”Caaqil Rashiid Jaambiir

0
613

Hargeysa(Geeska)-Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir, oo ka mid ah cuqaasha taariikhiga ah ee magaalada Hargeysa, ayaa dawladda Somaliland ugu baaqay inay ka noqoto go’aanka ay ka soo saartay adeegyada Zaad iyo E-dahab oo uu tilmaamay inay leeyihiin shirkadaha Telesom iyo Dahab-shiil oo dalka abaal badan ku leh.

1

Caaqilka, oo shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa, wuxuu dawladda u soo jeediyay inay labadan shirkadood mudanyihiin taageero balse aanay mudnayn in weerar lagu qaado, waxaanu dhaliilay guddiga soo jeedisay go’aankan oo uu ka mid yahay wasiir-xigeenka maaliyadda Mr. Cali Dhagoole “Dawladu waxay khubradii dhaqaalaha ku bedeshay, maalinta sicir barar dhaco inay guddi yar oo Cali Dhagoole hoggaaminayo dirto oo dabadeed intay qol fadhiistaan ay rog-rogaan dabadeedna iyagoo danahooda gaarka ah ilaashanaya waxay soo saareen in E-dahab iyo Zaad sabab u yihiin sicir bararka, laakiin aqoon cilmiyaysan lama samayn.” ayuu yidhi Caaqilka oo intaas raaciyay “Dawladu waxay ka dhigantahay shabeelkii dhalihiisa oo geelu laayay markuu u yimid dhalihiisii oo la laayay yidhi yaa laayay dhalahayga ee  lagu yidhi dhalahaagii geel ayaa laayay ee yidhi, maydun garan ee anigaa garanaya oo garo ayaa laysay oo wuxuu shabeelku jecelyahay garadaas uu luqunta jebinayo.  Markaas dawladu waxay ka dhigantahay shabeelkaas.”

Isagoo ka hadlaya labada shirkadood wuxuu yidhi, “Shirkadaha Dahab Shiil iyo Telesom ee ay ka farcameen E-dahab iyo Zaad, 27-kii sannadood ee aan soo dhaafnay waxay dalkan u ahaayeen laf –dhabar, waxaanay ka soo qayb qaateen horumarka, waxaanay noqdeen hay’ado dalku ku tiirsanyahay.”

Wuxuu Caaqilku yidhi “Abaarihii si mug leh ayay uga qayb qaateen oo tusaale ahaan shirkadda Telesom shan boqol oo kun oo dollar ayay abaaraha ku dareen, dahab shiilna waa la mid, waxay ka qayb qaateen tacliinta, caafimaad iyo wax kasta oo dalka ka hirgala oo horumar ah.  Markaas maanta in la daadihiyo mooyee in lagu tunto Dahab-shiil iyo Telesom may mudnayn.”