Hargeysa(Geeska)-Toddobaadyadan waxa gobalka Geeska Afrika ka socday dagaal diblomaasiyadeed oo ka dhashay qaadka loo yaqaano Miirooga.
Dagaalkan oo u dhexeeya Somaliland, Somaliya iyo Kenya, waxa uu istaadhmay ka dib markii ay dawladda Somaliya ka damqatay hadalo uu baahiyay badhasaabka gobalka Meru ee dalka Kenya Mr. Peter Munya oo Hargeysa yimid bishii June ee sannadkan, kuwaas oo uu nuxurkoodu ahaa in Kenya qaadka Miirooga keento Somaliland islamarkaana kaga bedelato xidhiidh diblomaasiyadeed oo cusub iyo in Kenya u fidiso Somaliland nooc aqoonsi ah.
Dhawaaqa badhasaabka gobalka qaadka Miirooga waxa ka damqatay dawladda Somaliya oo saddex bilood ka dib go’aan ku gaadhay in qaadkaas Miirooga laga joojiyo Somaliya, iyadoo u muuqata inay cadaadis saarayso badhasaabka kenyanka ahi inuu ka noqdo hadalkaas uu hore u yidhi, waxaana go’aanka ay dawladda Somaliya qaadatay uu sababay mudaharaado ay sameeyeen ganacsatada qaadka Miirooga ee Kenya, kuwaas oo sabab u noqday inuu afka furto badhasaabka hore u yimid Hargeysa islamarkaana uu cadeeyo in naftiisu khatar ku jirto qaadka ay Somaliya joojisay dartii.
Wuxuu badhasaab Peter cadeeyay in go’aanka dawladda Somaliya ku keenay culays, waana ujeedadii ay Somaliya lahayd.
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu joojinta qaadka Miirooga, uga dan lahaa laba ujeedo. Waa marka koowaad’e inuu isku dhufto badhasaabka Kenya iyo xukuumadiisa si uu Mr. Peter uga noqdo mawqifkiisa iyo marka labaad oo ah inuu tuso inuu awood diblomaasiyadeed oo qaad ka dhalatay u isticmaali karo madaxda Kenya haddii ay isku dayaan inay soo dhaweeyaan qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.
Waxa kale oo ay farriinta Xasan Sheekh ku socotaa dhinac kale oo kasta oo isku daya inuu ka garaabo qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.
Marka ay sidaas tahay go’aanka dawladda Somaliya wuxuu si toos ugu socdaa umadda reer Somaliland, oo qaddiyadooda darteed dagaal diblomaasiyadeed uu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu qaaday dawladda Kenya.
Haddaba, waxa ayaan darro noqotay oo ay dad badani isweydiiyeen sababta ay Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu indhaha hoos ugu foorariyeen ee ay xataa uga hadli waayeen amaba ugu yaraan ay u qaadan waayeen go’aan kale oo diblomaasiyadeed oo ay ku muujinayaan awoodooda.
Ilaa haatan ma jiro Madaxweyne Siilaanyo iska dhaafoo, masuul ka tirsan dawladda Somaliland oo jawaab ka bixiyay tan iyo markii ay dawladda Somaliya cadaysay in qaadka Miirooga loo joojiyay qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland darteed, halka ay wasiirada iyo masuuliyiinta kale ku mashquulsanyihiin ficiltanka siyaasadda gudaha iyo u jawaabista mucaaradka.
Madaxweyne Siilaanyo, waxa laga sugayay in qaranka loo doortay uu u raadiyo jidad iyo xal kasta oo uu kaga gudbo diblomaasiyadda dawladda Xasan Sheekh Maxamuud, laakiin Madaxweyne lagaagama fadhiyin inaad aamusto oo ay shacabkaagii ku dhego barjoobaan dhawaaqyada ka soo baxaya dawladda Somaliya ee ku socda cid kasta oo xiise u qabta qaddiyadda Somaliland.
Aamusnaanta Somaliland waxay muujin kartaa oo ay dad badani u arki karaan dabacsanaan diblomaasiyadeed iyo inaanay xiiso badan u qabin xidhiidhka Kenya iyo Somaliland ee sahayan kara siyaasiga reer Kenya ee badhasaabka ah.
Somaliland waxa looga baahanyahay inay waajahdo furinta diblomaasiyadeed ee Kenya kaga furantay oo uu bud-dhige u yahay safiirka Somaliya ee Kenya oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland. Somaliland waa inay muujisaa sida ay u danaynayso xidhiidhka ganacsi ee ay Kenya danaynayso oo sidoo kale aan lagu koobin jaadka ee loo sii talaabiyaa xidhiidh ganacsi oo sal leh oo u bilaabma Somaliland iyo Kenya taas oo siyaasiyan Somaliland wax weyn u taraysa.
Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa waajib ku ah inaanu daawan dagaalada kala duwan ee uu ku gudo jiro Xasan Sheekh Maxamuud, waxase looga baahanyahay inuu fuliyo dhaartii uu qaranka u qaaday oo uu sameeyo wax kasta iyo isku day kasta oo uu qaranka kaga badbaadin karo dagaalada diblomaasiyadeed ee tirada badan.