Dagaalka Dawladda Itoobiya Iyo TPLF Iyo Dalalka Gobalka Ee Uu Saamaynta Ku Yeelan Karo

0
610

Hargeysa(Geeska)-Ciidamada Itoobiya ayaa dagaal adag kula jirta maamulka gobalka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya. Waa colaad ka aloosantay dalka labaad ee Afrika ugu shacabka badan, waxaanu dagaalka oo sii xumaadaa saamayn ku yeelanayaa gobalka Geeska Afrika oo marka horeba colaado la ciirciirayay.

Itoobiya ayaa dalalka gobalka Geeska Afrika waxa ay la wadaagtaa xuduud, waana sababta looga cabsi qabo in dagaalku gobalka wada saameeyo.

Ereteriya: Madaxweynaha Ereteriya oo ay colaad gaamurtay ka dhaxayso madaxda Tigray ayaa u muuqda inuu qayb ka yahay dagaalka, inkastoo uu beeniyay warkan wasiirkiisa arrimaha dibadda Cismaan Saalax. Saddex gantaal oo an nooca ridada dheer ayay TPLF la beegsatay caasimadda Ereteriya ee Asmara. Madaxweyne Afarwerki ayaa maamulka Tigreega oo hayay talada Itoobiya uu dagaal dhex maray  dagaalamay 1998-2000.

Laakiin colaadaas Itoobiya iyo Ereteriya waxa soo afjaray Abiye Axmed oo sannadkii 2018 qabtay talada Itoobiya, waxaanu heshiis la saxeexday Afawerki.

Somaliland: Somaliland waxa ay xuduud la wadaagtaa Itoobiya, inkastoo uu dagaalku ka fogyahay xuduudka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya, haddana waxa jirta cabsi ah in saamaynta dagaalku ay soo gaadhi karto Somaliland oo ay saaxiib yihiin Itoobiya. Dawladihii kala dambeeyay ee Somaliland ayaa xidhiidh wanaagsan la lahaa Itoobiya, markii uu maamulka TPLF talada hayay.

SUDAN : Suudaan waa dalka uu saameyay dagaalka Itoobiya. 25,000 oo qaxoonti Itoobiyaan ah ayaa gaadhay dalka Suudaan, iyadoo uu dalka Suudaan muddooyinkan dambe ku jiray xaalad ciir ciir ah. Tigray ayaa xuduud la leh Suudaan, waxaanay dawladda Suudaan xidhay xuduudkaas, ka dib markii ay Itoobiya ka dalbatay.

Masar: Masar iyo Itoobiya oo ay weligoodba ka dhaxayso siyaasad xifiltan ku dhisan oo salka ku haysa webiga Niilka, muddooyinkan dambena si weyn isugu maandhaafsanaa biyo xidheenka Itoobiya, ayaa waxa ay dhoola tus ciidan la sameeyeen toddobaadkan ciidanka Suudaan. Masar oo ah dalka saddexaad ee ugu tirada badan Afrika ayaa 90% waxa ay shacabkeedu ku xidhanyihiin biyaha webiga niilka.

Soomaaliya: Ka sakow xuduudka ay wadaagaan Itoobiya iyo Soomaaliya, colaadani waxa ay Soomaaliya ka saamaynaysaa dhinaca ammaanka, maadaama oo ay Soomaaliya ka baxeen ciidamo badan oo Itoobiyaan ah oo AMISOM ka tirsan oo dawladda Soomaaliya ka ilaaliya Al Shabaab. Abiye ayaa ciidamo badan kala baxay Soomaaliya si uu u xoojiyo dagaalka uu kula jiro madaxda Tigreega.

Djibouti: Waa dal yar oo ay kala weynyihiin badka uu ku fadhiyo iyo miisaanka uu gobalka ku leeyahay. Waa dekedda ugu badan ee ay dawladda iyo shacabka Itoobiya isticmaalaan, waxaanay Djibouti dhawaan dib u celisay saraakiil ka tirsanaa ciidanka Itoobiya oo ka soo jeeday qoomiyada Tigreega, kuwaas oo dalkaas u baxsaday.

Djibouti waxa ay soo saartay baaq ay ku talinayso in dagaalka la joojiyo oo la wada hadlo, waxaana Djibouti gaadhay wefti ka socda dawladda Itoobiya oo wada dedaalo diblomaasiyadeed oo ay dalalka gobalka ku qancinayaan dagaalka socda.

Si kastaba ha ahaate, waxa jira war war ah in haddii uu sii socdo dagaalka u dhexeeya dawladda Itoobiya iyo maamulka TPLF, inuu gobalka Geeska Afrika saamayn dhaqaale iyo mid amni ku yeelan doono.

 

Geeska.net/Hargeisa Office