Dagaal Diblomaasiyadeed Oo Mar Kale Ka Dhex Taagan Dalalka Masar Iyo Itoobiya

0
492

Picture5Hargeysa(Geeska)-Dagaalkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeyay wadamada Masar iyo Itoobiya ee la xidhiidhay dhismaha biyo xidheenka Itoobiya, ayaa dib u soo noqday, waxaanay labada wadan hadda isku hayaan ololeyaal kale.

Dawladda Masar oo uu wadankeeda ka socdo qalalaase siyaasadeed, ayaa haddana waxay ku hawlantahay dedaalo diblomaasiyadeed oo ay ku doonayso inay hakiso dhismaha biyo xidheenkaas.  Barta Internetka ee lagu magacaabo Al-Monitor ayaa bishan dhammaaday ee Febarwari waxay baahisay warbixin ay kaga hadashay ololaha dawladda Masar. “Ololaha dawladda Masar waxa ay ujeedadiisu ahay inay caalamiyayso arrinta oo ay bulshada caalamka cadaadis ku saarto inay diidaan dhismaha biyo xidheenka Itoobiya oo ay aaminsanthaay inuu colaad ka abuurayo gobalka.” Sidaas waxa wakaaladan wararka u sheegay diblomaasi ka tirsan dawladda Masar, kaas oo intaas raaciyay, “Wada hadalo dheeraad ah oo Itoobiya lala galaa waxa waa wakhti lumis, waxaanay khatar ku tahay Masar. “

Wakaaladda wararka ee Itoobiya ayaa shalay baahisay inay dawladda Masar ku mashquulsantahay olole diblomaasiyadeed oo ka dhan ah biyo xidheenka Itoobiya.

Raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa isna bishan Febarwari ee dhammaatay wuxuu sheegay inaanay dawladiisu marna dib u dhigi doonin dhismaha biyo xidheenkan oo noqonaya midka ugu balaadhan qaaradda Afrika.

Gamal Bayuuni, oo ah xoghayaha dawladda Masar u qaabilan dalalka reer Yurub ayaa isaguna sheegay inay Masar go’aansatay inay beegsato dhammaan dalalka maalgelin dhaqaale iyo mid farsamo ku deeqay biyo xidheenkan. Wasiirka biyaha ee Masar Maxamed Cabdul Mutalib ayaa bishan dhammaatay ee Feebarwari wuxuu booqday wadanka Talyaaniga oo ay Masar aaminsantahay inuu yahay gacanta ugu weyn ee farsamo ahaan ku taageerta dhismaha biyo xidheenka Itoobiya. Wasiir mutalib oo uu weheliyay wasiirka arrimaha dibadda ayaa kulamadoodaas ka dib waxay warbaahinta u sheegeen, “booqashadayadu way gaadhay guulihii ay u socotay. Talyaanigu wuu fahmay walaaca aanu qabno.” Ayuu yidhi wasiirka biyaha ee Masar, waxaanu sheegay inuu dhawaan booqan doono wadanka Norway oo uu isna aaminsanyahay inay biyo xidheenka lug weyn ku leeyihiin.

Waxase aan la ogayn in dedaalka Masar ay wado ee diblomaasiyadeed uu dawladda Itoobiya ku qancin karo inay joojiso biyo xidheenkan oo ay itoobiya dhismihiisa wakhti iyo maal badan u hurayso.