Hargeysa(Geeska)-Dab ayaa shalay qabasaday mid ka mid ah istuudyayaasha idaacadda dawladda ee Radio Hargeysa.
Dabkaas oo aan gaysan wax khasaare ah ayaa markiiba lagu guulaystay in la bakhtiiyo.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta JSL Md Cabdiwaaxid C/Qaadir C/raxmaan ayaa sheegay in haba yaraatee aanu wax khasaare ah gaysanin dabkaasi.
Wasiir ku xigeenka ahna ku simaha wasiirka oo saxaafadda la hadlay wax yar ka bacdi markii dabkaasi la bakhtiiyey ayaa waxa uu sheegay in agabkii yaallay Studio-yahaasi la badbaadiyey isla markaana aanay jirin wax khasaare ah oo la xusi karo aanu jirin, isagoo arintaa ka hadlayan waxa uu yidhi: “Dab yar oo ka kacay Studio-ha radio Hargaysa saacaddu markii ay ahayd 9:30 Subaxnimo ilaahay mahaddii waa lagu guulaystay in la bakhtiiyo, waxaanu filaynaa inuu ahaa Shoodh ka kacay, wax khasaare ahna kama dhicin, haday tahay qalabkii, cajaladihii iyo wax kasta oo yaallay Studio-ha way ka badbaadeen, dabkaasina waxa uu ahaa mid qiiq sameeyey oo aan olol gaadhin haba yaraatee wax khasaare ahna gaysanin, hawshii Wasaaraduna si habsami leh ayay u socotaa wax saamayn ahna dabku kuma yeelan.”
Md Cabdi Waaxid Cabdiqaadir waxa uu u mahad naqay dhamaan cid kasta ooka qayb qaadatay damintii dabkaasi yaraa isagoo ku simaha Wasiirku arrintaa ka hadlayana waxaa uu yidhi: “ waxaan u mahadcelinayaa shaqaalaha iyo Engineer-ada Wasaaradda warfaafinta, Ciidamada Booliska, dawlada hoose ee caasimada, maamulka Gobolka.”