Dab Iyo Cadho

0
271240

Aqalka Cad ee Trump gudihiisa, waxaa qoray Michael Wolfe waxaa turjumay  Kamaal A. Cali (Q. 7aad)

Bannon waxa uu aaminsanaa, in dadkii ay si lama filaan ah ugu soo noqonayaan fikirka ah in isu furnaanta adduunku ay dhibaato uun soo kordhisay, waxa uu aaminsanaa in dadku ay hadda aqbalayaan farriin cusub, oo ah ‘Dundiu waxa ay u baahan tahay xuduud – ama dunidu waa in ay ku soo noqotayaa waqtigii ay xuduudaha kala lahayd. Markii Maraykanku uu awoodda lahaa.” Trump na waxa uu fagaare u noqday farriintaas.

Bannon waxa uu dunida Trump dhex muquuranayey muddo shan bilood gaadhaysa. In kasta oo uu wax badan ka bartay dabeecadaha gaarka ah ee Trump, in ugu filan in uu intii suurtagal ah ku baraarugsanaan karo in aan la saadaalin karin Trump iyo aragtiyihiisa, haddana habdhaqankii Trump ee aan caadiga ahayn, baaqyadiisii la yaabka ahaa ee ku aaddanaa garabka midigta, xisbiga Tea Party, dacaayadaha internet ka lagu baahinayey iyo imika oo ay ku soo biirtay hadalladii uu ka odhanayey guushiisa, waxaas oo dhami waxba kama ay dhimin fursaddii uu Bannon helay.

“Wax ma fahmay?” ayaa uu Ailes si lama filaan ah u yidhi, kaddib inta uu hadalkii hakiyey, ayaa uu ku dheygagay Bannon. Waxa uu u jeeday, Trump ma fahmay. Waxa uu weydiinayey, bal in Trump uu fahmay ajandihii iyo ujeedooyinkii garabka midigtu watay: Maalqabeenkan loofarka badani si run ah ma u fahmay qadiyadda dadka iyo waxa ay doonayaan? Ayaa uu u jeeday. Laakiin waxa ay iska ahayd su’aal aanay weli jawaabteedu caddayn oo ku xidhan hadba dabeecadda awoodeed ee yeelan doono lafteeda. Waxa ay ka dhigantay iyada oo imika la isa sii weydiiyo, bal Trump in uu garanayo waxa ay taariikhdu ku sheegi doonto. Bannon ayaa koob biyaha inta uu kabbaday, ku jawaabay, “Waa uu fahamsan yahay,” inta uu cabbaar hadalkii ka maagay, ayaa uu haddana yidhi, “Ama ha fahmo, ama yaanu fahmin.”  In kasta oo uu marmar baalla-deymoonayey, haddana Ailes waxa uu weli ku sii dheygagsanaa Bannon, iyada oo aad mooddo in uu weli sugayo in uu hadalka sii wado, oo ka sii sheekeeyo qorshayaashiisa iyo waxa uu niyadda ku hayo in uu qabto, marka uu ka mid noqdo xukumadda Trump. Bannon ayaa yidhi, “Runtii, barnaamijka waa uu ku socdaa.” .. Waa barnaamij uu isagu dejistay.” Ayaa uu ku sii daray isaga oo sida muuqata isu muujinaya in aanu isagu saamayntaas weyn ku lahayn qorsheyaasha madaxweynaha ee uu madaxweynuhu isagu hawlihiisa wato. Waxa aanu ka sii warramay qorsheyaasha Trump. “Maalinta koowaad [Marka uu Trump xilka la wareego] safaaradda Maraykanka ee Israa’iil waxa aanu u raraynaa magaalada Qudus. Waa fulinta wacadkii loo qaaday Netanyahu. Sheldon Adelson, maalqabeenka ka ganacsada khamaarka oo taageere xagjira u ah Israa’iil, Trump-na taageeray, ayaa ballantii loo qaaday ay tahay. Waa aynu garanaynaa halka aynu markaas ku jihaysannahay”  Ailes oo shaki badan ka qaba in taasi dhici karto ayaa weydiiyey, “Donald taas [Halka ay arrintani inna geynayso] ma’ og yahay” Bannon ayaa inta uu u dhoolla caddeeyey si aanay iljebini ka madhnayn, waxa uu sii watay hadalkiisii, “Urdun ha qaadato, Daanta Galbeed, Masar na ha qaadato marinka Qaza. Iyagu [Urdun iyo Masar] arrimahaas ha la dabbaashaan. Sucuudigii jar buu ka lushaa, Masaaridiina jar bay ka lulataa, dhammaantood waxa ay la dhimanayaan cabsida ay ka qabaan Beershiya [Iiraan] … Yemen, Siinaay, Liibiya … waa arrin aad u xun. … waana taas sababta uu Ruushku muhiimka u yahay. … Taasi miyaa ay xun tahay? Waa shar-wadayaal, laakiin adduunyadaba shar-wadayaal baa buuxiyey” Bannon waxa uu hadalladan u lahaa si qiiro ka muuqato – sida nin dunida dib u samaynaya.

“Laakiin waxaa fiican in shar-wade uu shar-wade uun yahay” Sidaa waxaa yidhi Ailes, oo u muuqda in uu ka hor imanayo hadalka Bannon, waxa aanu intaas ku daray, “Donald in aanu taas ogeyn ayaa laga yaabaa.”

Bannon oo ay ka muuqato in uu iska ilaalinayo in uu aad u difaaco Trump ama dhianca kalana ay aflagaado yar oo ka dhan ah Trump ka soo baxdo, ayaa yidhi, “Cadowga runta ahi waa Shiinaha. Shiinaha ayaa ah cidda ugu horreysa ee aynu iskaga hor imanayno dagaalka qabow. Arrintaasna sannadihii uu Obama talada hayey lama fahmin. Waxa ay ahayd fashilaad ku dhacday sirdoonka Maraykanka ee ay ahayd in ay ogaadaan. “Waxa aan is leeyahay Comey [Agaasimihii FBI] tayadiisu aad ayaa ay u hoosaysaa. Waxa aan u malaynayaa Brennan [Agaasimaha CIA] ayaa in yar dhaama.” Ayaa uu yidhi Bannon oo hadalkiisa laga fahmayo in uu doonayo in Trump marka uu xilka qabto uu eryo agaasimeyaasha FBI iyo CIA. Waxa aanu intaas ku sii daray, “Guriga Cad maanta [Xilligii aanu weli Trump la wareegin xilka] waxa uu la mid yahay, sidii uu ahaa xilligii madaxweyne Johnson ee 1968 kii. Susan Rice (Lataliyihii amniga qaranka ee madaxweyne Obama) waxa ay ol’olaha ka dhanka ah DAACISH waddaa, iyada oo ah lataliyihii amniga qaranka. Waxa ay [Labada masuul ee CIA iyo FBI] meesha ka saareen bartilmaameedyadii, iyaduna [Rice] waxa ay meesha ka saaraysaa weerarradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaadayey DAACISH. Waxa aan u jeedaa, waxa ay dagaalkii u maamulayaan sida xilligii uu talada hayey Johnson ee 1968 kii [Si aan casri ahayn]. Wasaaraddii difaacana gebi ahaanba waa laga foogeyey waxa socda oo dhan. Sirdoonnadii iyagana waa laga deyriyey in ay ku lug yeeshaan waxa dhacaya oo dhan.

Warbaahinta ayaa Obama jidkiisiiba ka leexisay. Wax kasta waxaa loo qabtay si bilaa xirfad ah. Anigu maba garanayo wax uu Obama taray. Qof keliya oo dawladda ka mid ah oo garanaya wax uu qabtay ma jiro, sida oo kale ganacsatadu ma’ oga wax uu taray. Muxuu haddaba qabtay?”

“Donald isaga xaggee loogu soo hagaagayaa?” Waxaa weydiiyey Ailes. Bannon oo imika ay si cad looga dareemayo in uu ka faa’idaysanayo ayaa yidhi, “Waa uu la haystaa” “Waa uu soo jeedaa” “Waa ay ka gadmayaan arrimahani.”

“Aniguna Donald maba siin doono fursad uu ku helo waqti aad u badan oo uu kaga sii fikiro,” ayaa uu yidhi Ailes oo yaabban. Laakiin Bannon ayaa si guux ah ugu jawaabay, “Aad u badan iyo aad u yar midina arrimaha wax badan kama beddelayso.”***

“Muxuu Ruushka ka helay?” ayaa uu Ailes ka hor keenay. Bannon ayaa ku jawaabay, “Sida ay u badan tahay,  La soco…………

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here