Dab Iyo Cadho

45
3036

Aqalka Cad ee Trump gudihiisa, waxaa qoray Michael Wolfe waxaa turjumay Kamaal A. Cali (Q. 23aad)

Muddo tobannaan sano ah oo uu soo shaqaynayey, Trump cidda uu ku tiirsanaa ee hawlaha u diranayey waxa ay ahaayeen adeegeyaal muddo dheer u soo shaqaynayey, dad wada shaqo-wadaag iyo jaal ay ahaayeen iyo qoyskiisa. In kasta oo uu Trump ganacsigiisa dadka uga dhigo in uu Imbaraadooriyad yahay, runtu waxa ay tahay in uu yahay uun shirkad caadiya oo weliba aan xidhiidho badan oo ganacsi lahayn. [Shirkad nooceedu yahay ‘Holding company’ oo ah shirkadda shirkad ama shirkado kale maamusha] iyo Meherad iibisa dharka xarragada ee socda, murriyadaha dumarku xidhaan iyo guud ahaan waxyaabaha la isku qurxiyo. Waxa uu shaqadiisa u wadan jiray hadba sida uu jecel yahay ee qancinaysa oo ah in uu isagu yahay xaqlaha iyo wakiilka calaamaddiisa ganacsi, wax dan ahna kama uu geli jirin in uu buuxiyo halbeegyada kale iyo cabbiraadaha lagu eego heerka ganacsiga.
Wiilashiisa, Don Jr. iyo Eric – oo dadka Trump aad ugu dhowi marka ay kaftamayaan u yaqaannaan Cudday iyo Qusay, iyaga oo ugu magacdaraya wiilashii Saddaam Xuseen – waxa ay la yaabbanaayeen [Labada wiil] sida aanay suurtagal u ahayn in shaqo laga siiyo xukuumadda. Waxa ay doonayeen in Aqalka Cad loo samayo laba qaab dhismeed-maamul oo isbarbar socda, oo midkood u gaaryahay aragtiyaha iyo hawlaha waaweyn ee aabahood, muuqaalkiisa shakhsiga ah iyo kartidiisana iibgeyso. Maamulka kalana uu qabto hawlaha maalinlaha ah. Waxa aanay isku tirinayeen in iyaga kaalin laga siiyo dhinaca hawl-maalmeedka shaqo ee Aqalka Cad.
Fikradihii uu bilowgii qabay Trump waxaa ka mid ahaa, in uu shaqaaleeyo saaxiibkii Tom Barrack – oo ka mid ahaa gacanyareyaashiisii aadka ugu dhowaa maamulkiisa ganacsiga kirada guryaha, waxa kale oo raggaas aadka ugu dhowaa kam id ahaa Steven Roth iyo Richar Lefrak – qorshaha Trump waxa uu ahaa in Tom Barrack uu ka dhigo madaxa shaqaalaha Aqalka Cad.
Barrack, oo uu awoowo u ahaa soo galayti asalkiisu Lubnaani ahaa, waa ganacsade maalgashada guryaha oo caan ku ah go’aan qaadashada ganacsiga. Waa ninka imika iska leh beertii cajiibka ahayd ee Michael Jackson. Trump, Barrack iyo Jeffrey Esptein sannadihii siddeetamaadkii iyo sagaashamaadkii waxa ay ahaayeen saaxiibbo habeenkii ku saamalleyla goobaha lagu caweeyo. (Jeffrey Epstein oo mar ahaan jiray maalgashadaha New York, laakiin markii dambe fadeexado joogto ahi ku yimaaddeen, kaddib markii lagu helay dembi ahaa in uu xidhiidh jinsi ah uu shaqo dhaafsaday, taas oo uu sannadkii 2008 dii ku mutaystay xadhig saddex iyo toban bilood ahaa).
Barrack oo isna ahaa aasaasaha iyo maamulaha shirkadda gaarka loo leeyahay ee Colony Capital, waxa uu bilyandheer ka noqday maalgashiyada, maalgashiyada lacag la’aantu ku dhacdo ama deymaha la fadhiista ee dunida oo dhan, waxa samatabixin jiray saaxiibkii Donald Trump, oo uu lacago siinjiray xilliyada ganacsigiisu kaash ka u baahdo. Dhowaanna waxa uu lacago samataxbixin ah siiyey wiilka uu saaxiibkii Trump sodogga u yahay ee Jared Kushner. Barrack waxa uu si ka maadaysi ah u daawanayey ololihii doorashada ee Trump, waxa aanu dillaal ka ahaa heshiiskii keenay in ninkii madaxa ka ahaa ol’olaha ee Paul Manafort lagu beddelo Corey Lewandiowski, kaddib markii uu Kushner nacay Lewandowski (Madaxii ol’olaha Trump). Barrack ayaa isaga oo sidii dadka kalaba u yaabeen ula yaabban guulaha joogtada ah ee uu ol’olaha Trump gaadhayey xilligii tartanka xisbiga dhexdiisa, waxa uu shirweynihii guud ee xisbiga Jamhuuriga oo ahaa bishii toddobaad, si diirran oo laabfuran dadka ugu ammaanay madaxweynaha mustaqbalka [Trump].
Wixii ugu fiicnaa ee uu Trump filayey waxa uu ahaa in saaxiibkii Tom, oo ku xeeldheeraa arrimaha maamulka iyo nidaamka, si fiicanna uga warqabay in aanu Trump xiisayn shaqada iyo hawlaha maamul ee maalinlaha ahi, uu imika kala shaqayn doono tartanka uu ugu jiro Aqalka Cad. Haddii ay dhacdo in uu si kedis ah ugu guulaysto madaxweynenimadana, uu guriga cad kala shaqayn doono. kaas ayaa uu ahaa xalka ugu habboon ee uu Trump u hayey duruufaha aan la saadaalin karin ee ka dhalan karayey haddii uu si kedis ah madaxweyne u noqdo: waxa uu doonayey in uu kaashado Barrack oo ahaa macallinkiisa ganacsiga, ruuxa uu ku kalsoonyahay, maalgeliyihiisa iyo saaxiibkii. Dadka aad uga ag dhowaa labadoodaba (Trump iyo Barrack) waxa ay ku sheegi jireen Barrack in uu yahay ninka dhaqaajiya Trump “Waa jiheeyaha Trump ee ugu fiican” ayaa ay odhan jireen. Dadka ku xeeran Trumpna waxa ay arrintaas Trump watay u yaqaanneen, ‘Qorshaha labada saaxiib’. (Epstein in kasta oo uu weli aad ugu dhowaa Barrack, haddana isaga waa laga tirtiray taariikhda Trump.
Barrack, oo ah nin ay ‘Maya’ ku badan tahay, waxa uu ka mid ahaa dadka tirada yar ee aanu Trump ka shakisnayn kartidooda, waxa uu ahaa nin aragtida rajada badan ee Trump ku qabaa ay tahay in uu si dhab ah hawlaha oo dhan bilaa turxaan u wadi karo, Trump na ka dhigi karo Trump. Maadaama oo uu Trump saaxiibkii Barrack ka amainsanaa in uu yahay nin fahmo iyo aqoon aan caadi ahayn leh, waxa uu naftiisa u sheegayey in waxyaabaha laga yaabo in aanu aqoonin uu hubo in uu Barrack u garanayo.
Marka aynu si kale u dhigno, sida uu wax u doonayey Trump waa in saaxiibkii Barrack uu hawsha wado, uu noqdo ka waxsoosaarka samaynaya, isaguna noqdo ka waxsoosaarkaas iibinaya – sidaas ayaa uu doonayey in uu ku dhabeeyo hal-ku-dheggiisa ahaa in uu Maraykanka ku soo celinayaan karaamadiisii. #MAGA. [Waa erey laga soo gaabiyey xarfaha u horreeya ee hal-ku-dheggii uu Trump ol’olaha ku galay oo ahaa Making America Great Again).
Barrack si la mid ah qof kasta oo ka mid ahaa dadkii ku xeernaa Trump, ayaa natiijada doorashada ka soo baxday ay ula muuqatay in ay la mid ahayd ku guulaysasho bakhtiyaanasiib oo aanay maskaxdu rumaysan karin – Saaxiibkaagii aan macquulka ahayn,
La soco…………….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here