Dab Iyo Cadho

0
868

Aqalka Cad ee Trump gudihiisa, waxaa qoray Michael Wolfe waxaa turjumay  Kamaal A. Cali (Q. 16aad)

Bilowgii ol’olaha, dhacdo masraxiyadda oo kale ah ayaa ay ahayd, markii Sam Nunberg loo diray in uu dastuurka u sharraxo murashaxa: “Waxa aan wax-ka-beddelka afaraad gaadhay, isaga oo fartiisa inta uu dibinta saaray hoos ugu cadaadinaya, indhahana kor u rogay.” Ayaa uu yidhi, markii dambe oo uu ka sheekeeyey sidii uu madaxweynuhu u dhegeystay. (Wax-ka-beddelka Afaraad ee dastuurka Maraykanka waxaa looga jeedaa qodobka ka hadlaaya xuquuqda dadka ee ay tahay in la dhowro, kuwaas oo ay ka mid tahay in muwaadin kastaa oo qof ahaantiisa nabadgelyo u helo, gurigiisa, dhukumantiyadiisa iyo hantidiisana aan sinaba lagula wareegi karin ama lagu baadhi karin…)

Qof kasta oo ka mid ahaa kooxda la shaqaynaysay ol’olaha Trump, waxa uu ku lug lahaa nooc uun ah hawlo khilaaf iyo jaahwareer ah dhalinaya oo dhibaato gaadhsiinaya madaxweynaha ama shaqaalihiisa. Mike Flynn, oo ahaa ninka noqon doono lataliyaha amniga qaranka ee Trump, ayaa imika marka ol’oleyaasha la isugu yimaaddo ahaa ninka makarafoonka ku soo dhoweeya Trump, oo warka uu jecel yahay in uu maqlaa uu ahaa cabashooyinka ka dhanka ah wakaaladda CIA iyo fadhiidnimada basaasiinta Maraykanka.

Flynn, ayaa dad ay saaxiib ahaayeen u sheegeen in ay qalad ahayd, in uu 45 kun oo doolar ka qaato Ruushka oo lacagtaas ku siinayey khudbad uu jeediyey. (Flynn saaxiibbadii waxa ay ka warwar qabeen in lacagtaas uu Ruushka ka qaatay, ay doorashada kaddib ku keento muran sharciyadeed, gaar ahaan marka ay madaxweynenimada helaan, sida imikaba dhacday. Laakiin Flynn isagu cabsidaas ma’ uu qabin, waxa uu saaxiibbadii ugu jawaabay,) “Waxa uun ay arrintaasi dhibaato nagu noqonaysaa haddii aanu ku guullaysanno doorashada,” sidaas ayaa uu u xaqiijiyey saaxiibbadii, isaga oo huba in aanay wax dhibaato ah ku keenayn lacagtaas uu Ruushka ka qaatay, [Waayo maba uu filayn in ay guulaysanayaan].

Paul Manafort, oo ah nin ku fiican ol’oleyaasha iyo hawlwadeen siyaasadeed oo caalamiya, ayaa uu Trump maamulka ol’olihiisa u dhiibay markii uu eryey Lewandowski. Waxa uu weliba ogolaaday [Paul] in aanu wax mushahar ah shaqadan kaga qaaddan Trump, oo uu rajaynayey in uu abaal kaga helo marka uu guulaysto. Laakiin Paul waxa uu ahaa nin muddo soddon sano ah wakiil u ahaa talisyo mucangag ah iyo kelitaliyeyaal musuqmaasuq badan, isaga oo malaayiin doolar ka urursaday lacag la is daba mariyey oo ay muddo dheer indhaha ku hayeen baadhayaal Maraykan ahi. Waxaa intaas dheer, markii uu ninkani ol’olaha Trump ku soo biiray, waxaa ku socday dabagal, tallaabo kasta oo maaliyadeed oo uu qaadana waa la ogaa. Waxaa dacweeyey Bilyan dheerka Ruushka u dhashay ee Oligarch Oleg Deripaska, oo ku andacooday in uu ninkani ka xaday 17 Milyan, waxa uu sheegay in uu lacagtaas ka dhacay ganacsi kiro guryo ahaa oo uu lahaa.

Ma’ jiro madaxweyne aan Trump ahayn, waxa se soo raaca siyaasiyiin faro ku tiris ah, oo siyaasadda ka soo galay ganacsiga guryaha. Ganacsiga guryuhu waa suuq yar oo si fudud loo maamulo, kuna salaysan deymo badan oo la socda isbed-bedellada suuqa, waxa ay aalaaba ku xidhan tahay sida dawladda u danta ah, lacagtaas la isku beddelayo ayaa laga jecel yahay dhibaatada kaashka ee taagan.

Wiilka uu Trump sodogga u yahay ee Jared Kushner, Jared aabihii Charlie, wiilasha uu Trump dhalay ee Don Jr. iyo Eric, iyo inantiisa Ivanka, iyo Trump laftiisu, dhammaantood in yar iyo in badan waxa ay doonto ha noqoto ee, waxa ay meheradahooda ganacsiga ku xoojiyeen, dhaqdhaqaaqyo maaliyadeed oo ay uga faa’idaysteen adeegyada maaliyadeed ee dunida ee aan khidmadda la iska jarin [iyaga oo kala baxsanaya khidmaddii Maraykanku ka qaadi lahaa] iyo cashuuro ay la dhuunteen. Charlie Kushner, oo ganacsigiisa guryaha uu ku faa’iidaysto wiilkiisa Jared ee uu sodogga u yahay Trump, ayaa mar xabsiga loo dhigay dacwado ay ka mid yihiin; cashuuro uu la dhuuntay, in uu marag fur maxkamadeed ka warwareegay iyo in uu maalgelin sharcidarro ah ku sameeyey ol’ole siyaasadeed.

Siyaasiyiinta casriga ah iyo shaqaalahoodu, waxa ay cilmibaadhis ku sameeyaan mucaaradkooda, si ay u helaan goljilicdooda iyo ceebaha u qarsoon ee ay hadhow ka dhigan karaan hub ay ku weeraraan kuna sharaf dilaan. Iyaga laftooduna cilmibaadhistaas oo kale ayaa ay isku sameeyaan si ay u eegaan ceebaha ay leeyihiin ee ay tahay in ay ka duwaan indhaha cidda ay is hayaan si aanay ugu adeegsan.

Haddii Trump kooxdiisu marka hore iska soo hubin lahaayeen murashaxa ay wateen, waxa ay si maangal ah u gaadhi lahaayeen natiijo ah in baadhitaan dhinaca akhlaaqda iyo hab-dhaqanka ah oo si qotadheer loogu sameeyaa uu si fudud u sababi doono in ay khatar weyn la kulmaan. La soco…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here