Daahir Rayaale Oo La Filayo Inuu Soo Gaadho Hargeysa

0
493

Picture4

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa la filayaa inuu maalmahan soo gaadho magaalada Hargeysa, ka dib safar uu muddo laba sanno ku siman kaga maqnaa wadanka.

Madaxweynihii hore oo degen dalka Faransiiska ayaa la sheegay inuu ku suganyahay wadanka Imaaraadka Carabta, waxaana safarkiisa ku wehelisa xaaskiisa Hud Barkhad. Lama garanayo in soo laabashada madaxweynuhu la xidhidho arrimo shakhsi iyo inay la xidhiidho khilaafaadka siyaasadeed ee wadanka ka taagan iyo xali u helistooda.

Madaxweyne Rayaale ayaa ahaa madaxweynihii hore ee Somaliland, waxaanu magac iyo sumcad ku helay sidii nabadgelyada ahayd ee uu xilka ugu wareejiyay Madaxweyne Siilaanyo oo doorashada kaga guulaystay sannadkii 2010.