Cuqaal, Waxgarad Iyo Dhallinyaro Qaadacay Diiwaangelinta

0
595

666546Hargeysa-(Geeska)Cuqaal iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolada  Saaxil ,Maroodijrx  iyo Togdheer ayaa si adag uga hadlay Diiwaangalinta Madaniga ah iyo ta Codbixinta ee isa saran taas  oo  ay ku tilmaameen mid lagu jaha wareerinayo shacabka isla markaana  dib loogu dhigayo Doorashada, waxa kale oo ay Cuqaashan iyo waxgardaku Kuwargliyeen xukuumada in ay tahay xiligii kulaylaha wakhtiyada ay ku beegantayn diwaan galinta taasna ay kasoo hor jeedaan dhankakale waxay  Xukuumada Ku eedeeyeen inay marwalba ugu horeysiiso Gobolka Saaxil waxayna soo jeediyeen in loogu dambaysiiyoMaadaama Diwaaan galintii hore Gobolka Saaxil lagu Bilaabay .

Ugu horeyn Caaqil Cali Cabdilaahi Ismaciil oo kahadlay hadlay shir jaraa’id oo ay ku qabteen hotell Dalxiis ee magalada Hargeysa ayaa waxa uu yidhi “Hadaanu nahay odayaasha  Saaxil, Maroodi Jeex iyo Togdheer qaybo ka mid ah oo halkan isugu yimid, mawqifka aanu ka hadlaynaana waa laba mid waa Diiwaan galinta ama madani ha noqoto ama ta kale  Waa in saaxil loogu dambaysiiyaa, Diiwaan galinta Madaniga ah, waanu qaadanay laakiin nidaamkan ta kale la dul dhigay markay Doorashadu soo dhawaatay inay qalad tahay cidwaliba way arkaysaa laba is qaban karaya marnaba maaha, markaa waxaan leeyahay dadka yaan rajada laga xumaynin, waxa kale oo aanaan Aqbalayn hadii sanaaduuqdii  saaxil mid kamida (Eeg Bogga 7aad)

laga qaado oo tuulo yar oo aan macquul ahayn loo tahriibiyo” ayuu yidhi Caaqil Cali.

Dhanka kale Aqoonyahan Maxamed Nuur Xasan(Dhamac)  ayaa isaguna ka hadlay waxaanu yidhi“ ujeedada aanu halkan isugu nimid waa  Diiwaan galinta iyo warqadaa dhalashada ee lay is dulsaaray, waxaanananu ka taagan nahay Halka ay ka taagan yihiin Xisbiyada iyo sida waa faqsan Shuruucda Doorashada ee dalka, dhalashada ma diidanin laakiin waxaanu diidannahay is dulsaarka, waxaana sharci ah wixii ay komishanka iyo xisbiyadu isla qaataan, cidii wax kale ku dayeysaa inay xeeladaysan tahay way cadahay ”

Oday Cismaan Cabdi Maxamuud ayaa soo jeediyey in la raaco Go’aankii ay soo jeediyeen Xisbiyada Mucaaridku “Halkan waxaanu isugu nimid inaanu ka hadalno labada Diiwaan galinood ee isa saran, waxaanu ku raacsan nahay labadii Xisbi Mucaarid Go’aan kii ay soo Jeediyeen, waxa kale oo halkan ka tacsiyeynayaa Saraakiishii lagu dilay Qorulugud, waxaan ka tacsiyeynayaa Awdal iyo Gabilley”

Gudoomiyaha Deegaanka  Allaalacadka Oo katirsan Degmada Laasgeel  Mr Cabdi Daahir Maxamed oo ka hadlay Jirka Jaraa’id ee maanta ayaa waxa uu yidhi “Hadaanu nahay Beesha Ciisa muuse waxaanu leenahay had iyo jeer markay doorashooyinku jiraan Gobolka Saaxil waa lagu gooni baadhaa oo markay dadku ka soo baxaan  ayaa doorashada loo waydaariyaa, waxaan leeyahay taasi maanta yeyna Dhicin, ta kale waxaa jirtay in Daarasalaam la dhigayo 6 goobood  diiwaangalinta halka Dacarbudhuq oo ka wayn la dhigayo laba Goobood, waxaanu leenahay dadku uma baahna in la kala fogeeyo, si sinaan ah dadka wax haloogu qaybiyo, ta diiwaan galintana maalinteeda ha lagu hagaajiyo yaan maalinta doorashadu joogto uun la odhan waxa la samaynayaa aqoonsi” ayuu yidhi Cabdi daahir

Dhanka kale waxa halkaasi ka hadlay Siyaasi Cabdfataax Siciid waxaanu si adag u naqdiyey labd diiwaan codbixinta ee dib loo dhigay  oo ku tilmaamay mid Doorashada dib loogu ridayo, waxa kale oo shacabka reer saaxil ugu baaqay inay ka fiirsadaan, dhanka kale waxa uu tacsi u diray saraakiisii lagu laayey Deegaanka Qurulugud oo ka tacsiyeeyey eheladii iyo qoysaskii ay ka baxeen.

Isku Soo wada Duuboo Cuqaasha iyo waxgaradka Waxay cod dheer ku sheegeen in aanay aqabalay hadii lafarafareeyo goobihii hore loogayn jiray sanaaduuqda ee deegamaday ka soo jeedaan