Hargeysa(Geeska):-Qaar ka mid ah odayaasha iyo madax-dhaqameedka gobalka Maroodi-jeex, ayaa si adag uga hadlay arrinta dib uga soo cusboonaatay maktabada akhriska ee Gaandi oo xukuumada Siilaanyo ay ku wareejisay mid ka mid ah ganacsatada Somaliland, waxaana ay sheegeen in aanay marnaba aqbali doonin in maktabadaasi la iibiyo, iyaga soo sida oo kalena ayaan darro ku tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo uu dib u soo cusboonaysiiyo arrinta Gaandi oo hore u dhamaatay, waxaan ay sheegeen in aanay marnaba aqbali doonin meel ay dhalinyartu wax ku akhrisan jirtay in laga dhigo bakhaar lagu iibiyo buskudka.
Odayaashan iyo madax-dhaqameedkan ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Hargeysa.
"Sharciyada sida loola macaamilaayo Maktabada Gaandi ayaa aanu u aragnaa khalad, ayaa aanu u aragnaa gef, ayaa aanu u aragnaa gardaro. Waxa weeye dhulka dawlada waanu ognahay sharcigana waanu naqaana, distoorkana waanu naqaana, waxaa ku qoran dawladu waa ay iibin kartaa dhul ay hanti u leedahay, waana ay kirayn kartaa. Haddaba sidee ayey dawladu ula macaamilaysaa qof ku jira guri marka la iibinaayo ama laga saarayo.".Ayuu yidhi mid ka mid ah odayaashaas oo halkaasi ka hadlay.
Mas’uulkii muddooyinkii danbe gacanta ku hayey illaalinta maktabada Gaandi oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay in isaga oo maalkiisii hore ugu huray hadana loogu hanjabo in la xidhi doono haddii uu Allaabada ka guri waayo maktabada, waxaana uu yidhi:
"Runtii meel qiimo badan oo aanan maanta wax aan ka hag raday aanay jirin ayaa Library-ga Hargeysa ka samaysmay, muddo Lix iyo toban sanadood ah ayuu furan yahay boqolkun oo dollar in ka badan oo lacag ah ayaa iga gashay, maan garan waayin in aan bakhaar furto ama aan guri dhisto ama wax aniga gaar ii ah aan sameeyo maan garan waayin, sababta oo ah waxa aan ahay nin caruur leh oo biil u baahan ayaan ahay oo nin taajir ah ma ihi, laakiin waxaan is idhi wadankaas ay walaaladaa soo xoreeyeen ka gayso gacan, gacantii aan ka gaystay waxaa ay noqotay bari dhawayto in inta uu guddoomiyaha maxkamada gobalkuu Laybrariga uu warqad dhigay uu yidhi ninka mas'uulka ka ah Laybrarigu ha yimaado, markaan u tagayna uu igu yidhi Toban cisho gudaheed haddaad kaga guuri waydo waan ku xidhayaa, waxaan ku idhi horta Laybreerigu waxa uu yahay miyaad garanaysaa?. Maya ayaa uu yidhi. Aniga miyaad i garanaysaa?. Maya ayaa uu yidhi. deedna waxaan ku idhi ma waxaad igu xidhaysaa lacagta aan wadankayga galiyey."
Mid ka mid ah madaxdhaqamedka oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi:"Sharciyaddii aynu Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) aynu ku soo dooranay ee Daahir Riyaale Kaahin uu ku badelay, Daahir Riyaalena uu Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal kaga dhaxlay, Ina Cigaal-na uu Tuur kaga dhaxlay in aayar inta la masaxo dan shakhsi loo dhaqaaqa horta waa ayaan darro sideeda u taala, Somaliland waa beelo isku yimi waxaa ay ku heshiisay sharcigaas ayey heshiis ku tahay oo beelaha Somaliland oo dhanba sharcigaas yar ayey heshiis ku yihiin ee midna ku fuulayo midna kaga degaayo, haddii xayndaabkii sharciga laga baxo, waxaan filayaa waa fool xumo. Arrintan Maktabada hor ayaanu uga hadalnay annaga oo reero ah ayaa ka hadalnay, miisaankeeda, ixtiraamkeeda iyo tixgalinteeda ayey lahayd, markaanu 11kii maalinimo ka hadalnay Afartii galabnimo ayuu madaxweynahu furaha soo celiyey Somaliland iyo Illaahayba waa ka markhaati, tii waxaan u malaynaayey in laga dhigay Antipain oo suuxin ayey ahayd, waxaa ayaan darro ah iyada oo madaxweynahu uu furahii soo celiyey in haddana maanta furihii uu dib ula noqdo."
Ugu danbayntiina, waxaa halkaasi ka hadlay mid ka mid ah cuqaasha, waxaana uu ka hadlay muhiimada ay lahayd maktabada akhriska ee Gaandi, waxaana uu yidhi:"Maktabada Gaandi waa meel laf dhabar ah oo dhalinyartu ay wax ku akhrisanaysay Kutub diini ah, Cilmigii kale, waxbarashadii aas aasiga ahayd wax walba oo aduunyada jira waa lagu akhristaa halkaas iyo meelaha kale ee la midka ah meel danta guud lagu ogaa in bakhaar buskud lagu iibinaayo laga furo marnaba ma ogalin.".