Cuntadu Waa Ka Beri Miisaankaaga Dheeraadka Ah: Sababta 40 Sano Ka Hor Aanay Dadku U Naaxi Jirin (1)

0
277

Hargeysa (Geeska)- Afar iyo afartankii sano ee ka dambeeyey sannadkii 1975-kii saddex laab ayaa uu kordhay celceliska miisaanka dadka adduunka oo dhan. Sannadkii 2016 kii tirada dadka qaangaadhka ah ee miisaankoodu inta dabiiciga ah ka badan yahay waxa ay adduunka ka maraysay 1.9 Bilyan oo ruux, waxaa ka mid ahaa 650 Milyan oo buurnimadoodu xad dhaaf tahay. Sida oo kale carruurta adduunka ee da’doodu ka yar tahay shan sano, ayaa 41 Milyan oo ka mid ah uu miisaankoodu ka badnaa inta caafimaad ahaan dabiiciga ah. halka 340 milyan oo ah carruur u dhexeeya 5 sano illaa 19sano ay sannadkii 2016 ka haysay buurni aad ahi. Warbixinaha ay hay’adda caafimaadka adduunku soo saartaana waxa ay mar kasta ku celceliyaan in dunida maanta dadka buurnimada u dhintaa ay ka tiro badan yihiin dadka dhuubnimada xaad dhaafka ahi disho.

Inta badan eedda miisaanka dheeraadka ah waxaa la saaraa cuntada oo nafaqadeedu aanay isu dheelitirnayn, iyo shaqada xafiisyada ee adduunka ku soo badatay oo aan qofka siinayn fursad uu dhaqdhaqaaq jidheed ku sameeyo. Marka labadaa laga yimaaddana waxaa lagu celceliyaa warka ah in buurnimada laftigeedu hidde tahay. Si kastaba ha ahaato ee xaqiiqada hadda la ogaaday ayaa ah, xitaa haddii aad u noolaato sidii ay aabayaasheen u noolaayeen 1975-naadkii dhinaca shaqada iyo dhinaca cuntadaba, in haddana weli ay dadka maantu ka miisaan badnaanayaan dadkii xilligaas jiray.

Dadka maantu boqolkiiba 10 ayaa ay ka weynyihiin dadkii siddeetamaadkii qarnigii hore

Cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday in qofka maanta dunida jooga ee cuna cunto la mid ah lana xaddi ah cuntadii uu cuni jiray qof joogay siddeetamaadkii, isla markaana sameeya dhaqdhaqaaqii iyo qaabkii shaqo ee qofkaas, haddana in weli miisaankiisu uu ka weynaanayo dadkii xilligaas joogay.

Wiilka maanta nool ee da’diisu u dhexeyso 20 illaa 30 sano, waxaa ku adag in uu helo, ama haddii uu helo in uu ilaashado miisaankii ay lahaayeen dhalinyaradii faciisa ahayd ee siddeetamaadkii intii ka horreysay, xitaa haddii uu cunto la mid ah cuno, dhaqdhaqaaq iyo jimicsi kii la mid ahna uu sameeyo.

Xogtan waxaa lagu ogaaday cilmibaadhis ay sameeyeen xeeldheereyaal ka tirsan jaamacadda York ee dalka Kanada, kaddib markii ay baadhis iyo dabagal ku sameeyeen xogta nafaqo iyo miisaanka 36 kun iyo 4 boqol oo ahaa dad Maraykan ah oo noolaa intii u dhexeysay 1971-kii illaa 2008-dii.

Daraasaddu waxa ay muujisay in qofka noolaa sannadkii 2006 ee cuntada uu cunayaa ay lahayd Kalaariya, Barootiinno iyo dufan la mid ah kii ay cuni jireen dadkii noolaa 1988 kii, isla markaana ay sameeyaan jimicsiyadii iyo dhaqdhaqaaqii jidheed ee ay samayn jireen, in weli miisaanka dadka 2006 da noolaa uu ugu yaraan 2.3 dhibcood qiyaasta cabbirka miisaanka ka badan yahay dadkii 1988 kii.

Nolosha qarniga 21-naad

Jennifer Cook oo ah baresare oo cilmiga dhaqdhaqaaqa jidhka iyo culuumta caafimaadka ka dhigta jaamacadda York ee magaalada Toronto ee dalka Kanada, ayaa sheegtay in natiijada ka soo baxday daraasaddan oo ay qayb ka ahayd ay caddaynayso in qofka dunida maanta ku nool ee da’diisu ay 25 sano jir tahay, uu ku qasban yahay in uu cuno cunto ka yar tii ay dadka waaweyn ee maantu cuni jireen markii ay da’diisa ahaayeen, isla markaana uu sameeyo jimicsi koodii ka badan.

Jennifer waxa ay ku talisay in qofka maanta jooga ay waajib ku tahay in uu cunto yar cuno, jimicsi badanna sameeyo, isaga oo sidaas yeelanaya ay weli sii jirayso in miisaankiisu ka bato intii xilligaas jirtay.

Haddaba markii ay xeeldheereyaashu xaqiiqadan ogaadeen, baadhitaannadii ay sameeyeen waxa ay ku ogaadeen saddex sababood oo loo malayn karo in ay dhalinyarada maanta nool ku adkaynayaan in ay ka dhabeeyaan miisaanka saxda ah ee jidhkooda, waxaa ka mid ah:

  1. Kiimikada

Aadamaha maanta nooli waxa uu la noolyahay kiimiko dhan kasta kaga xeeran. Waxaa jidhkiisa gasha kiimiko badan oo loo malaynayo in ay ka mid tahay sababaha kordhinaya miisaanka.

In kiimiko ay nolosha maanta ku xeerantahayna waxaa marag dhow inoogu filan waxyaabaha aynu isticmaalno oo dhammaantood ama intooda ugu badan ay kiimiko innaga soo gasho. Kuma koobna, sunta xasharaadka disha ee khudradda aynu cunno ay beeraleydu ku buufinayso, dharka aynu xidhanahay ee kiimikadu samayskooda iyo nadiifintoodaba qaybta ka tahay. walxaha ololka xakameeya ee furaashyada iyo qalabka guryaha la dhigto lagu dahaadho, maaddooyinka cuntada qasacadaysan ka ilaaliya qudhunka iyo in ay is beddesho, bacda iyo kiishashka ay cuntooyinka ku duubanno iyo maaddooyinka guryaha lagu nadiifiyo.

Kiimikadaas siyaabaha kala duwan jidhkeenna u gelaysa ayaa isbeddel ku keenta nidaamka hormoon ee jidhkeenna, waxa aanay cillad iyo Khalkhal gelisaa qaabka uu jidhka aadamuhu u heli karo miisaan ama iskaga ridi karo miisaanka.

Cilmibaadhisaha lagu sameeyey maaddooyinka kiimikaad ee nolol maalmeedka adduun ee maanta innagu xeeran waxa ay ka marag kacayaan khatarta dhinac kasta innagaga xeeran, ee loo aanayn karo miisaanka dadka ee sii kordhaya.

Dalalka adduunyada qaarkood ayaa iyaga oo khatartan dareensan waxa ay soo saareen go’aamo ay ku mamnuucayaan in dhulkooda la soo geliyo noocyo badan oo ka mid ah maaddooyinka wax lagu nadiifiyo iyo waxsoosaarka la isku qurxiyo waxaa ka mid ah dalalkaas Kanada iyo dalal Midowga Yurub ah oo mamnuucay kun iyo 3 boqol oo maaddo, laakiin dalal kale oo Maraykanka iyo Shiinuhu ka mid yihiin ayaa weli ku sii socda soo saarita xamuuradda debnaha la marsado iyo shaabmbiooyada jidhka oo leh maaddooyinka ay dalalkaasi mamnuuceen.

La soco…

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.