Hargeysa(Geeska)-Akhristayaal, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa warbixin uu qaybta ciyaaraha u gaarka ah ee soo baxda toddobaad kasta Isniinta ee wargeyska Geeska Afrika, ka diyaariyay marxuum Cumar Xasan Roodhiile (Cumar-saalax) oo dhawaan ku geeriyooday dalka Hindiya, ahaana ciyaartooy caan ka ahaa magaalada Hargeysa.
Wargeysku, wuxuu warbixiintiisa ku bilaabay “Alle haw naxariiste waxa khamiistii magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya lagu aasay Marxuum Cumar Cabdi Xasan Roodhiile (Cumar Saalax), oo ahaa nin dhallinyaro ah oo reer Hargeysa.
Alle haw naxariistee, inkastoo uu Cumar Saalax ku geeriyooday wadanka Hindiya oo aad uga fog wadankiisa Somaliland, haddana geeridiisa si weyn ayaa looga dareemay magaalada Hargeysa oo uu ku dhashay sannadkii 1976 kuna barbaaray.
Alle haw naxariisto Cumar-Saalax, wuxuu caan ku ahaa kubadda cagta, isagoo aad loogu wada xasuusto naadigii NPP sannadihii 1997-1999 ka dhisnaa magaalada Hargeysa oo uu u ahaa kabtan. Marxuum Cumar Saalax, waxa kale oo uu u ciyaaray naadigii NDC iyo kooxo kale oo caan ka ahaa Hargeysa.
Haddaba,wax taariikhda Marxuum Cumar-saalax ee dhinaca kubadda cagta uu Geeska Afrika ka waraystay qaar ka mid ah ciyaartooygii reer Hargeysa ee ay isku wakhtiga ahaayeen. Ugu horayn Aamiin Cabdillaahi Xaashi oo ka mid ah dhallinyaradii ay marxuumka isku wakhtiga ahaayeen oo ka hadlaya Marxuumka iyo doorkiisii ciyaaraha ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “Alle ha u naxariisto walaalkeen Cumar Cabdi Xassan (Cumar Saalax). Sidii dalka laagu soo laabtay Cumar alle ha u naxariistee waxaan isku ahayn Bahda Sportska, Dhanka Kooxaha waxaan iskugu nimid Kooxihii kala ahaa, AL-QAMAR IYO NPP. Waxaan dhanka Ciyaarah ka xasuustaa :- Wuxuu ahaa qof aan niyad jabin oo halka uu u socda goaansada in uu mar uun gaadho. 1998kii kulan ciyaareed aan ku tagnay Caasimada Togdheer ee Burco, Waxaa na marti qaaday Kooxdii Dahab-shiil Burco. Kabtankii Kooxda NPP ayuu ahaa markii aan garoonkii galanay ayaa waxa isku dhacay oo isku kayo dul qabsaday labadii Kooxood ee ugu sareeyay Burco waa Kooxda STC iyo Kooxda Dahab-Shiil ee na casuuntay oo wakhtigaa iyagu ugu cadcadaa Gobolka. Markii uu garsoorihii damcay in ciyaarihii la bilaabo ayaa waxa halkan isa soo tubay Kooxdii kale oo tidhi anana noo balan qaada in aad nala ciyaaraysay hadii kale la ciyaarimaayo( Khali badu) yaab.
Iyadoy sidii tahay ciyaartiina aan la bilaabin ayaa, Maamulkii na soo marti qaaday iyo Kooxdii kale ay halkii isku qabsadeen, iyadoo ay xurgux ciyaareed ka dhaxayso labad Kooxood anaguse aanan ka warqabin ayaa waxaa soo dhex galay Garoonkii Badhasaabkii Gobolka ee wakhtigaas 1998 oo imika aanan magaciisii wada hayn. Waxa wuu yidhi Badhasaabkii Ciyaarta dib u dhiga si aan Xul labada Kooxood ka tirsan idiinku soo saarno, barina wada ciyaara. Hadii kale anigu “Masuul kama ihi hadii ay wax idinku dhacaan” Marxuunka ayaa hadal kii qaatay waxanu ugu jawaabay:- “Kooxda ahaan waxa na soo balansaday Kooxda Dahab-shiil tan manta marka aan la ciyaarno ayaanu inshaa allah bari iyana aan la ciyaari doonaa” go’aan qaadashadaas ayaa ka xasuustaa oo aan goobjoog u ahaa wakhtigaas oo aan aha Gool hayihii NPP.”
Ciyaartoygii hore ee kooxaha Soyaal iyo herer star Libaan Axmed Cali (liiban tiifow) oo ka hadalay Ciyaartoygii waynaa ee ka baxay bahda ciyaaraha Somaliland Marxuum Cumar Saalax gaar ahaan kubada cagta, waxaanu yidhi “ALLE ha u naxiiste Cumar waxa uu ahaa Ciyaar ay adag tahay inaad la ciyaarto oo ma daale aad iyo aadna u farsamo sareeya, oo anigu difaac iyo weerar ba waan ka ciyaari jiray, oo marka aan iska hor nidaamadno waxa uu ahaa Ciyaaryahan aanu ku xisaabtami jirnay in aanu iska qabano, madaama uu ahaa furihii kooxda, boos kasta oo uu ka ciyaarayana ku fiicnaa. Waxa kale oo aan soo jeedin lahaa maadaama oo uu ahaa nin ku suntan Ciyaaraha Kubadda Cagta Somaliland in loogu magac daro garoomada ku badda cagta mid ka mid ah”.
Iid Ciise Jaamac oo ka tirsanaa Naadiiyadii heerka koowaad ee Sooyaal ee caasimadda Hargeysa ka dhisnaa 1993 ilaa 1999 ayaa isna dhankiisa ka waramay waxyaabaha uu ku xasuusto ciyaartoygii waynaa ee ka baxay bahda ciyaaraha kubadda cagta Marxuum Cumar Saalax, “waxyaalaha aan ku xusuusto waxa ka mida ah wuxuu ahaa nin akhlaaq wanaagsan, dhaqan fiican, dabeecad wanaagsan xaga diintana aad uga dhisan, waxaanan ku tilmaami karaa ciyaartoy ku dayasho mudan. Waxaanu ahaa ciyaartoy ku fiican dhanka ciyaarta isagoo ka ciyaari jiray nambarka lixaad waxaanu ahaa ciyaartoy ku fiican boos kastaba isaga oo marka la eego naadiga Sooyaal markasta oo aanu la ciyaarayno Naadiga NPP wuxuu ahaan jiray ciyaartoyga kaliya ee aanu ku xisaabtami jirnay sidii aanu isaga qaban lahayn. Waxa kale oo aan ku xusuustaa inuu ahaa ciyaartoy markataba aan lahayn wax xanaaqad ah oo ka dhacda garoonka gudihiisa, ama markasta oo aanu joogno goobaha kale ee dhalinyaradu ku kulmaan. Waxa kale oo aan Cumar Saalax ku xusuustaa isaga oo qof walba oo ciyaartoyga ka mid ah haday tahay ku naadigiisa iyo kuwa kooxaha kaleba isku si ula dhaqmi jiray, isla markaana ula dhaqmi jiray dhamaantoodba si walaaltinimo ah. Iyada oo xiligaa aanu kubada ciyaari jirnayna dhamaanba aanu ahayn dad walaalo ah, anaga oo ka koobnayn dhamaan waaxyaha magaalada Hargeysa. Waxaananu ahayn dad walaalo ah oo kalsooni iska qaba maadaama oo aad aragtaan siday noo damaqday geeridii Marxuum Cumar Saalax.
Waxa aan wasaaradda ciyaaraha Somaliland ka codsanayaa aniga oo ah isku duwaha wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Gobolka Hawd in loo qabto xus lagu xusayo oo ay ka soo qayb galaan dhamaan ciyaartogii la lodka ahaa. Waxaanan ilaahay uga beryayaa inuu naxariistiisa jano ka waraabiyo ehelkiisii, qaraabadiisii iyo dhamaan bahda ciyaaraha ee uu ka baxay Samir iyo iimaan ka siiyo”.