Hargeysa(Geeska)-Markii uu Madaxweyne Siilaanyo la wareegay talada qaranka Somaliland bishii Julay ee sannadkii 2010, waxa uu maalmo yar ka dib xilkii guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE ku wareejiyay ku xigeenkiisii Md. Muuse Biixi Cabdi. Ka hor xil wareejintaas uu sameeyay Madaxweyne Siilaanyo, waxa ay dadku aaminsanaayeen inaanay suurtogal ahayn inuu xilka ku wareejiyo Madaxweyne Siilaanyo ku xigeenkiisii Muuse Biixi Cabdi oo ay isla soo mareen waayo badan oo wanaag iyo xumaan labadaba lahaa, laakiin taasi way dhacday oo Madaxweyne Siilaanyo sidii loogu wareejiyay xilkii qaranka ayuu isna u wareejiyay xilkii KULMIYE.
Waxa ay haddana xil wareejintaasi sababtay dood kale oo banaanka u soo baxday. Dadka qaar ayaa tilmaamay in maadaama oo uu Madaxweyne Siilaanyo wareejiyay xisbigiisii uu noqon doono diin qoloftii laga qaaday taas oo uu macnaheedu yahay in Muse Biixi isku rogi karo haddii ay siyaasadda isku fahmi waayaan. Laakiin kuwo kale ayaa qabay in Muuse Biixi laftiisa geed lagu xidhay lagagana tagay gidaar cidlo ah mar haddii aan xukuumaddiiba lagu darin. Markase doodaha labada dhinac meel la iska dhigo sannad iyo badh ka bacdi waxay taariikhdu muujinaysaa inuu jiray heshiis is af garad oo labada masuul hore u dhigteen.
Markii uu Mr. Biixi la wareegay xilka guddoomiyenimada KULMIYE, ayaa waxa ay dad badani saadaaliyeen in Muuse Biixi uu helay jidkii uu u mari lahaa murashaxnimada Madaxweyne ee dalka oo uu hungurigeedu muddaba hayay. Laakiin waxa taas bar bar socday caqabado kala duwan oo horyaalay murashaxnimadiisa Madaxweyne, kuwaas oo ay ka mid yihiin loolan xisbiga KULMIYE gudihiisa kaga iman kara, loolanka siyaasiyiinta xisbiyada kale, intaasba waxa laakiin dheer loolan saddexaad oo culays iyo baaxad leh oo uu hadda warkiisu isa soo tarayo, waana culays wata waayo aragnimo iyo dhaqaale, laakiin inta aynaan arrimahaas u gelin bal aan ku hakano shakhsiyadda Muuse
Muse Biixi
Muuse Biixi Cabdi oo ku dhashay Hargeysa bulshada ay wada koreen islamarkaana ay waayo badan soo wada mareen waxa ay ka haystaan afkaar kala duwan. Qaar ka mid ah bulshadaas ayaa u yaqaana nin qalafsan, madax adag oo la gaadhsiiyo ilaa in dadka qaarkii ay ku tilmaamaan nin macangag ah. Halka ay kuwo kalena u yaqaanaan, nin bulshaawi ah, kaftanyahan ah oo weliba cadaaladda ku dhaqma. Kuwo kale ayaa ku eedeeya inuu qayb ka ahaa dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay iyo weliba inaanu xilligaas u janjeedhin dhinaca xal u helista dagaaladaas, kuwo kalena waxay u arkaan nin qayb muhiim ah ka soo qaatay nabadayntii beelaha Somaliland iyo weliba aasaaskii golaha guurtida. Marka dhinaca siyaasadda laga hadlayo Muuse oo ah sarkaal si weyn ugu soo caan baxay dagaalkii uu ururkii SNM talada kaga tuuray keligii taliye Maxamed Siyaad Barre waxa uu muddoyinkan dambe u muuqdaa nin milatarinimadii uga digo rogtay dhinaca hannaanka siyaasaddeed iyo aqooneed ee madaniga ah.
Dadka yaqaanaa waxa ay ku tilmaamaan nin madaxa taaga oo aan isku hawlin inuu kalsooni ka kasbado dadka uu codka ka doonayo. Laakiin kuwo kale ayaa u arka nin hal adag, deeqsi ah, islamarkaana haddii uu kaa soo horjeedo ama uu kula socdo aan si fudud laguu jebin Karin. Tusaale ahaan shirweynihii SNM ee lagu qabtay Baligubadle laguna doortay Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali, waxa uu Muuse Biixi ahaa guddoomiyihii shirkaas, sidoo kalena wuxuu ahaa guddoomiyihii ololaha ee murashaxii la tartamayay Marxuum Tuur oo ahaa Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo saddex cod lagaga helay.
Si kastaba ha ahaato ee waxa la ogaa waxaa inuu Muuse Biixi ka mid noqday raggii sida adag uga soo horjeedsaday xukuumadii u horaysay ee ay SNM soo dhistay markii lagu guulaystay soo celinta qaranimada Somaliland. Dad badan ayaana ku eedeya in uu Muuse iyo koox uu ka mid ahaa ay sabab u ahaayeen in ay hano qaadi weydo xukuumaddii marxuum Cabdiraxmaan tuur. Xilligaas ka dibna waxa uu xubin firfircoon ka noqday xukuumadii Marxum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, laakiin waayo aragnimo la’aan siyaasadeed ayaa la aaminsanyahay inay sababtay inuu marxuum Cigaal ka horyimaado taas oo gayaysiisay inuu muddo toban sannadood ku siman ka dheeraado fagaarayaasha siyaasadda. Hase yeeshe, marka laga hadlayo mabda’iisa waxa la isku raacsanyahay inuu yahay nin aan baydh-badhin oo ku negaada mawqifka uu qaato.
Caqabado
Inkastoo uu Mr. Biixi ka soo dabaashay duruufo siyaasadeed oo kala gedisan islamarkaana uu nasiibku ku simay inuu isu dhigo murashax Madaxweyne oo xisbiga KULMIYE u tartami doona, haddana waxa muuqda caqabado kala duwan oo ka horyimid, kuwaas oo hadba sida uu u maareeyo uu fursad u heli doono. Caqabadahaas waxa ka mid ah kuwo kaga aloosan gudaha xisbiga KULMIYE oo ah murashixiin ay qaarkood isku hayb yihiin oo uu damac galay. Rayul caamka qaarkii ayaa u arka murashixiintaas kuwo u badan inay dagaal ka dhexeeya Muuse Biixi ay bedka isu keeneen iyagoo doonaya inay isaga la degaan. Laakiin caqabada ugu adagi waxa ay dad badani aaminsanyihiin inay Muuse Biixi soo waajahday bishii u dambaysay. Caqabadaas ayaa ah nin ku cusub saaxadda siyaasadda Somaliland oo ay Muuse Biixi isku hayb yihiin oo la aaminsanyahay inuu doonayo inuu murashax Madaxweyne noqdo. Ninkaasi oo sarkaal sare ka ah xafiiska qaramada Midoobay ee Darfur magaciisana la yidhaahdo Maxamed Biixi Yoonis, ayaa la filayaa inuu dhawaan Hargeysa u yimaado indha indhayn siyaasadeed. Inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn in Maxamed uu hayo damac Madaxweyne, haddana waxa la sheegay in dadka qaarkii u soo jeediyeen inuu tartanka dambe ka qayb galo isagoo iska soo dhex sharaxaya saddexda xisbi ee soo baxa midkood. Maxamed oo ah aqoonyahan xidhiidh wanaagsan la leh madaxda ugu saraysa ee Qaramada Midoobay, marka da’ ahaan la eegana waxa la sheegaa in Maxamed gu’yaal weynyahay. Sidaas darteed, waxaa bulsho badan u muuqata in Maxamed Biixi Yoonis noqon doona caqabad kale oo ku soo biirtay dabkii siyaasadeed ee horeba ugu shidnaa guddoomiyaha KULMIYE, haddii uu taas ka dabaashana waxa u furmi doona jid ka xidhnaa, waxaana arrimahaas loo dhaafayaa marka uu Maxamed Biixi Yoonis Hargeysa yimaado ee mawqifkiisa dhabta ah la ogaado.
Gunaanad
Guddoomiyaha KULMIYE, culaysyada dul saaran oo la aaminsanyahay inay yihiin weeraro siyaasadeed, waa kuwo xalintooda iyo wax ka qabashoodu ay isaga u taalo, hadba sida uu u maareeyaana waxay fure u noqon dontaa hordhaca guushiisa siyaasadeed. Muuse Biixi, in badan ayuu soohay dabar siyaasadeed oo aanay ciddi ka furin islamarkaana uu ku guulaystay, laakiin maanta waxa muuqata inuu fuulay culays siyaasadeed oo u baahan khibrad iyo degenaan inuu kaga dabaasho. Waxa kale oo iyadana guushiisa kaalin ku leh sida uu xalliyo qaladaadka siyaasiga ah ee dadka qaar ka tirsanayaan, Inkastoo uu u muuqdo nin bislaaday oo ay waayaha siyaasadeed jilciyeen, haddana waxa aynu taariikhdu marag uga noqon doonaa sida uu badweynta uga dabaasho.
Comments are closed.