Kuwait- Wargeyska Al-Marsad oo ka soo baxa dalka Sucuudiga ayaa dhowaan baahiyey in dillaaliin u shaqaynayey ganacsade aan la magacaabin oo u dhashay dalka Kuwait ay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Ciraaq ka dalbadeen in laga iibiyo xadhiggii lagu daldalay madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saddaam Xuseen. Wargeyska oo soo xiganaya il-wareed uu sheegay in uu ku kalsoon yahay, waxa uu intaas ku sii daray in ganacsadahan la sheegayaa uu diyaar u yahay inuu xadhigan ku iibsado lacag dhan 20 Milyan oo doolar iyo xitaa xaddi lacageed oo ka sii badan. Sida uu wargeysku ku waramayo ganacsadahan reer Kuwait ayaa maqlay xog sheegaysa in xadhigii lagu xidhay Saddaam Xuseen markii la daldalayey uu haysto hoggaamiye diineedka Shiicada ah ee dalka Ciraaq Muqtada As-sadar.
Sida la og yahay waxaa jiray ganacsade kale oo u dhashay dalka Kuwait oo mar sii horraysay isaga oo maraya dillaaliin Maraykan ah iibsaday qaybo ka mid ah hadhaaga taalladii Saddaam Xuseen ee ay ciidamada Maraykanku ka burburiyeen barxadda Al-fardaws ee caasimadda dalka Ciraaq, bishii March 2003-dii markii ay ciidamada huwanta ee Maraykanku hoggaaminayey qabsadeen magaalada Baqdaad.