Ciyaartooy Caalami Ah Uu Hogaaminayo Samuel Eto’o Oo Kusoo Wajahan Muqdisho

0
97

Muqdiisho{Geesak}Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya  Maxamed Cabdulqaadir Cali oo maanta Shir jaraa’id ah ku qbatay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay dadaal dheer u galeen sidii ay Xulka Qaranka Soomaaliya ay u heli lahaayeen Ciyaaraha Home games ka ah ama Gurigoodi inay ku ciyaaraan Xulka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in Xulka Soomaaliya ay mar waliba dalal kale ay marti u noqdaan maadama ay jiraan wadamo Soomaaliya ka liita haddana wadamadoodi ku ciyaara, waxaana uu tilmaamay inuu bilowday geedi socodka lagu gaari lahaa in Xulka Qaranka ay ku dheelaan Ciyaaraha Internationalka gudaha Soomaaliya.

Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa ka dhawaajiyay in uu bilowday sharuudaha geedi socodkaasi ku xiran, waxaana ay sharuudaha ugu horeeya ku xiran ay tahay inaan martigelino wafid ka socda CAF iyo FIFA oo uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay soo dhoweeyaan.

Wafdigaan ayaa u imaan doona Bishaan dabayaaqadeedi Muqdisho sidii ay u qiimeen lahaayeen hadii Soomaaliya u diyaarsan tahay in kulamada Home Games ka ah ay gurigoodi ku ciyaari doonaan lana tuso in Soomaali ay haysato Garoomo ay ciyaaraha ku martigelin karto.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan la wadaageynaa inay nala soo dhoweeyaan wafdigaan ka socda FIFA iyo CAF oo ay hogaamin doonaan Ciyaartooyda Eto, Samuel Eto’o, Adepyor & Asamoah Gyan, waxaana idinka rajeenayaa inaad ilaalisaan akhlaaqda muujisaan inaad tihiin shacab xiiseeya Sports ka lana ilaaliyo sumcada dalka garabna nagu siisaan buuxinta sharuudahaan” ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali.

Ugu dambeyn waxa uu tilmaamay Wasiirka in 27ka Bishaan May ay Ciyaartooydaasi imaan doonaan laguna soo bandhigi doono Garoonka Muqdisho Stadium, waxaana uu shacab weynaha Soomaaliyeed ugu baaqay inay maalintaasi garoonka soo buuxiyaan.