Cisbitalka Edna Oo Laga Furay Tababar Casri Ah Oo Ku Saabsan Suuxdinta

0
613

Hargeysa (Geeska)- Laba iyo Soddon mihnad-layaal caafimaad oo ka kala socday xarumo caafimaad oo ku kala yaala Hargeysa, Burco, Berbera, Boorama iyo Sheekh ayaa Shalay aqoon korodhsi ku saabsanaa Suuxdinta looga furay Cusbitaalka Adna ee magaalada Hargeysa.

dddddddd

Tababarkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa mihnad-layaasha  caafimaadka ee ka qayb galaya waxa lagu tababari doonaa qalaba casri ah oo loogu talo galay suuxdinta, kaas oo ay Marwo Aadan Ismaaciil dalka keentay islamarkaana la kaashatay Cusbitaalo ku kala yaala dalka dibaddiisa.

Dr. Adan Aadan oo furtay tababarka,  ayaa sheegtay in tababarkani yahay tababar taariikhi ah waxaanay tidhi, “In aynu bilawno tababar loo furayo kow iyo soddon suuxiye oo lagu soo tababaray Cusbitaalka Al-Xayaad ee magaalada Baarama iyo Cusbitaalkan Adna Aadan. Waxay noqonaysaa Munaasibada taariikhi ah kow iyo soddonkaa labada Cusbitaal ka soo baxay ee dalkeena lagu tababaray, waxa lagu tababaray manhajkii lagu tababarayey suuxiyeyaasha dalka kiiniya. Waxa tababaray macallimiinta tababara suuxiyeyaasha dalka Kiiniya, imtixaanadooda waxa lagu saxay dalka Kiiniya. Waxaan doonayaa inaan u mahadnaqo hay’adihii, ururadii iyo macallimiintii suuro galiyey tababarkan qalabka la siin doono mid waliba ee uu Gobolka la tegi doono uu ka yimid waxa laga bilaabi Boorama, Gabiley, Hargeysa, Sheekh, Burco, Laascaanood iyo Ceerigaabo intaaba qalabaa la siin laguna kormeeri. Waa loo qalabayn wixii farsamo ah intii u baahan waa loo qaban macallimiinta ayaa ku kormeeri. Waa markii u horaysay min daraf ilaa dacal dalkeenu Cusbitaalada waaweyn ee dawladdu helaan qalabkaa casriga ah”

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Caafimaadka Maxamuud Jaamac Galaal oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi, “Waa arrin aad u muhiim ah waxaanan u mahadnaqayaa ugu horrayn Dr. Adna oo ka soo shaqaysay oo intaa ugu jirta orodo iyo hawl hawlaha qaranka, hadday caafimaadka noqoto iyo hadday danta guud ee kale noqotaba, sida gooni isu taaga iyo qadiyadda Somalilandba  meel kastaba way la taagan tahay qaybaha caafimaadka, hooyada iyo Ubadka hawlahaasay ku jirtaa waa la ogyahay.”

Ugu danbayn khabiirada ku takhakhusay Suuxdinta,  isla markaana bixinaya casharada ayaa la dardaarmay ka qayb-galayaasha kuna adkeeyey inay ku dedaalaan sidii cilmiga ay barteen ugu dabiqi lahaayeen hawlahooda shaqo.