Cirro Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Culays Gaar Ah Oo Ay Dhul Dhigtay Bulshada Reer Saaxil

0
655

Picture5Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inay xukuumadu culays dheeraad ah saarayso magaalada Berbera ee xarunta gobalka Saaxil.

Md. Cirro oo shalay ka soo noqday safar uu ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta, waxa kale oo uu soo jeediyay in la taageero barnaamij khayri ah oo uu dhawaan ku dhawaaqay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Sheekh Aadan-Siiro). Cirro oo ka hadlaya gacan-ka hadalkii ka dhacay golaha wakiilada ayaa yidhi “Waxaan shacbiga reer Somaliland Sidii Aan hore uga Raali galiyey aan iminkana ka  raali galinayaa arintii yarayd eea golaha ka dhacdey maadaama oo aan odeygii golaha ahay waxaanan idiin sheegayaa uun in hawshaasi ay tahay hawl uu golahu dhameysanaayo  aniga iyo gudoomiye ku xigeenka koowaadna hawshaas anaga ayaa dhameysaneyna gudoomiye ku xigeenkeygana wax dhib ah oo aan u hayaa ma jirto waan saamaxey waxii kale  ee dhimana anaga ayaa dhameysaneyna cid aanu u baahanahay in ay hawashaas soo faro galisaana ma jirto.”

Cirro wuxuu ku baaqay in xorriyadooda loo soo celiyo saxafiga Berbera ku xidhan iyo weliba salaadiinta Hargeysa ku xidhan, waxaanu yidhi  “Waxaan xukuumadda u soo jeedinayaa dadkii la xidhxidhay hadday yihiin salaadiin, weriyayaal iyo dad shacab ah oo caadi ah in dhammaan xorriyadoodii loo soo celiyo. Waxaad moodaa in si gaar ah culays loo saarayo Berbera hadday tahay weriyayaal iyo dad shacab ahba. Markaas culays aanay qaadi karin in la saaro xaq maaha, laakiin dhammaan culaysku wuxuu ka jiraa dalkoo dhan, markaas xuquuqda aasaasiga ah ee shacabka ayay ka mid tahay in rayigiisa uu u cabiri karo si nabadgelyo ah, waxa kale oo masuuliyiin xisbiga Waddani ah ku xidhanyihiin Berbera.”

Isagoo ka hadlaya barnaamijka Sheekh Aadan Siiro, wuxuu yidhi “Guud ahaan waxaan jecelnahay inaan taageerno barmaajimka khayriga ah ee Sheekh Aadan-Siiro soo jeediyay ee ku saabsan dhallinyarada iyo sida loogu fududaynayo guurka iyo u gargaarka masaakiinta.”