Cirro Oo Safar Kedis Ah Ku Tagay Dalka Itoobiya

0
591

Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa safar deg dag ah oo aan hore loo sii shaacin shalay ugu  baxay dalka Itoobiya.

cccc

Illaa hadda lama oga u jeedada rasmiga ah ee ka dambeysa safarkan deg daga ah ee guddoomiye Cirro ugu baxay dalkaasi Itoobiya, balse waxa la sheegayaa inuu halkaas u tagay sidii uu kulamo ula soo yeelan lahaa madax ka tirsan dawladda Itoobiya iyo kuwa masuulka ka ah safaaradaha wadamada reer galbeedka.

Cabdiraxmaan-Cirro oo ay madaarka Hargeysa ku sii sagootiyeen qaar ka mid ah madaxda Xisbiga Waddani, ayaan ka hadal ujeedada socdaalkiisa, waxase la sheegay inuu safarkiisu qaadan doono maalmo kooban.