Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa wuxuu shalay khudbad ka jeediyay madal ay guddiga doorashadu ku iclaamiyeen gunaanadka diiwaangelintii cod bixiyayaasha.
Md. Cirro, wuxuu sheegay in diiwaangelintu qurux badnaan doonto haddii doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan, waxaanu khudbadiisa ku bilaabay “Waa maalin suntan oo ku suntanaan doonta taariikhda Somaliland, marar hore ayeynu isku daynay in aynu diiwaan-gelin samayno se nasiib darro way inaga xumaatay. Maanta Diiwaan-gelin baa innoo dhammaystirantay oo aynu u xafladeynaynaa in si wanaagsan ay innoogu dhammaatay Diiwaan-gelintaasi. Waa guul u soo hoyatay Somaliland oo aynu muddo ka dhur-sugeynay. Waxa aan runtii hambalyeynayaa dhammaan qaranka Somaliland, waxa aan hambalyeynayaa guddiga Doorashooyinka Qaranka oo laf dhabar u ahaa hawshaas, waxa kale oo aan hambalyeynayaa cid kasta oo haddii ay dhaqaale tahay iyo haddii ay farsamo tahay ba ku biirisay si ay arrintaasi u guulaysato oo ay ugu horreeyaan Qaadhaan-bixiyeyaasha iyo Xukuumadda Somaliland iyo cid kasta oo gacan ka geysatay ba.".
Doorashada iyo Diiwaan-gelinta waxa aan ku soo gunaanadi lahaa eray yar oo ah." Hore waxa loo yidhi Hooyo wanaagsan baa dhimatay oo caruur badan lahayd, deed na caruurtii mid ka mid ah baa waxa uu yidhi Hooyaddeen aas wanaagsan baa u dhacay, markaas baa inta uu mid kale hadlay buu yidhi waa haddii uu Axanku raaco, markaa diiwaan-gelin wanaagsan baa innoo dhacday waa aynu ku guulaysanay laakiin waa haddii ay Doorashadu wakhtigeedii innoo qabsoonto.".
Qaadhaan bixiyeyaasha, runtii waan u mahad-naqayaa waxa se aan lee yahay hawshii weli may dhammaan, xukuumadda Somaliland na hawsha intii looggu tallo-galay in ka badan bay bixisay, marka waxa iyaga laftooda loogga baahan yahay in aanay hawsha halkii kaga hadhin ee ay dhammaystirkeeda haddii ay Doorashada iyo Diiwaan-gelinta tahay ba ay gacantii ay ku lahaayeen ay sii wado.
Qolyaha KULMIYE ee aanu saaxiibka nahay na kelmad baan odhan lahaa oo berigii uu KULMIYE mucaaradka ahaa beesha Caalamka aad bay u jeclaayeen, marka ay Lixda gobal ba saxeexayeen aad bay u jeclaayeen ee ay Doorashadu ku suurto-gashay, marka waxa aan lee yahay bal beesha Caalamka aad ha ugu foggaanina.”