Cirro Oo Ku Celiyay Inuu Mushaharka Ciidamada Kala Duwan Kordhinayo

0
767

Ceerigaabo(Geeska)– Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo socdaal ku jooga magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayaa shacabka gobolka Sanaag iyo Sool ugu baaqay inay kaadhka qaataan, si ay fursad ugu helaan inay codkooda dhiibtaan doorashada Madaxtooyada oo sanadkan qabsoomi doonta.

Musharax Cabdiraxmaan Ciro ayaa mar kale ku celiyey in ciidamada kala duwan ee Somaliland ay mushaharka u kordhinayaan boqolkiiba 250%, isla markaana ay ciidamada u samayn doonaan cusbitaal guud oo lagu daweeyo Askarta ay waxyeeladu soo gaadho, isla markaana ay xaq heli doonaan.

Gudoomiyaha xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa sidaasi warbaahinta u sheegay xili uu ku sugnaa gudaha magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag oo ay ka socoto qaadashada kaadhka codbixinta doorashada.

Musharax xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Ciro isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan salaamayaa dhamaan shacbiga gobolka Sanaag waxaanu kala soo qayb galnay in aanu kala qayhb qaadano guubaabada iyo wacyigalinta qaadashada kaadhadhka codbixinta, waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacbiga iyagoon kala hadhin iyo gobolada Sool iyo Sanaagba inay qaataan kaadhadhka codbixinta, waxaan isleeyahay degmada Ceerigaabo shalay ayay codaysay, markaa codkiina waanu haynaaye kaadhadhkiina uun qaata.

Waxaanu idiinka mahadnaqaynaa, waxaanu idiinka mahadnaqaynaa shacabku siday noo soo soo dhaweeyeen baaqa iyo guubaabada aanu u nimidna waa kaa, intaa waxaan uga gudbayaa.

Nin Wasiira ayaa waxa uu ka hadlayey, balanqaadkii aanu u samaynay ciidamada, waan ku celinayaa Balanqaadkii, anagoo tixgalinayna Askariga Somaliland, anaga oo og in isaga iyo qoyskiisu  ay kala maqan yihiin oo Askariguna uu difaac kaga jiro xuduudaha Somaliland qoyskiisana laga yaabo inuu magaalo kale joogo, anaga oo og in aanay u qaybsamin waxa la siiyo, waxa ka go’aan ah xisbiga Waddani in Mushaharada ciidanka la siiyo 250% la kordhiyo.

Wasiirbaa lahaa shalay xagay ka keenayaan lacagta ma dhulkay iibinayaan, anigu waxaan isleeyahay dhul Kulmiye ka hadhay oo la iibiyo ma hadhine, horta ma dhul-baad ka tagteen, bal Kulmiye ha is-weydiiyo inuu dhul ka tagay iyo in kale, anagu dhulka iibin mayno daarahana iibin mayno, laakiin Miisaaniyada qaranka ayaanu ka siinaynaa ciidamada qaranka, hadii Illaahay ka dhigo.

Waxa kale oo aanu u balanqaadnay in askari kasta aanu guri u dhisno, Illaahay ayaanu la kaashanaynaa waananu kaga dhabaynaynaa waananu dhisaynaa, waxa kale oo noogu jira qorshaha in adeegyo kale oo badan ciidanka loo sameeyo, wuxuunbaa la yidhaa ciidanku waxa uu leeyahay cusbitaal guud, laakiin cusbatal rasmi ah oo ka dhaawacma lagu daweeyo, halkii dibada looga qaadi lahaa, oo qalabkiisu ku filan yahay ayaanu insha alaahu samaynaynaa.

Waxaanu balan qaadaynaa, waxa la ii sheegay in ciidamada kuwa inaga dhinta in aan xuquuq la siin, askariga dhinta xuquuq lama siiyo, waxa aanu balanqaadaynaa in askariga dhinta isaga oo dalka difaacaya ama uu shil ku dhacay oo gaadhi la dhacay, waxaanu siin doonaa xaq reerkiisa iyo caruurtiisa, waxaanu balanqaadaynaa reer Sanaag in wadadii Xirsi bilaabay aanu dhamaystirno, waxa kale oo aanu balanqaadaynaa adeegyo kale oo Barnaamijka xisbiga ku qoran. Dhinaca kale waa la is-tirinayaa oo kaadh qaadashadu waa tiro oo goboladu way tartamayaan, dee yaan la idinka badinin reer Sanaagow.” Ayuu yidhi Musharaxa xisbiga Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Ciro.