Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa balan qaaday in haddii uu Waddani talada qabto uu kala madaxbanaanayn doono waaxyaha kala duwan ee qaranka.
Md. Cirro, ayaa qoraal kooban oo uu geliyay barta uu ku leeyahay facebook, wuxuu ku yidhi sidan” Wada shaqaynta iyo kala madax baaninada Waaxaha Qaranka: Golayaashu xilbay u hayaan ummadda, maalintii dagaal gudahooda kaga luntaa ummadda oo dhan bay ka luntay waxaana ku dayacmaya shaqadii qaranka.”
Isagoo ka hadlaya haddii uu Waddani talada qabto wuxuu yidhi “Waddani wuxuu balan qaadayaa markuu hoggaanka dalka qabto in u koriyo habka dimuqraadiga ee ah in Waaxaha qaranku wada shaqeeyaan, kalana madax banaanaadaan sida dastuurku tilmaamayo.”