Cirro Iyo Baashe Oo Shalay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furtay Mudanayaasha Iyo Saxaafadda Hortooda

0
700

Picture1Hargeysa(Geeska)-Markii u horaysay taariikhda Somaliland waxa shalay is faro-saaray shirguddoonka golaha wakiilada, gaar ahaan guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo ku xigeenkiisa Md. Baashe Maxamed Faarax, oo isku maandhaafay mooshin ay xildhibaanada muxaafidku ka keeneen go’aankii lagu laalay wareejinta haamaha shidaalka Berbera. Fadhiga oo marka horeba la dareemayay xaasaasiyadiisa ayaa waxa uu ku furmay dareen kacsanaan ah, waxaanu guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro si degen golaha wakiilada ugu akhriyay magacyada 38 mudane oo saxeexay mooshinka, kuwaasi oo 5 ka mid ahi maqnaayeen, waxaanu golaha u sheegay in xeer hoosaadka goluhu dhigayo in mooshinnada noocan ah lagaga doodo kalfadhiga dambe ee golaha wakiilladda.

Haseyeeshee, guddoomiye xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax, ayaa makarafoonka ku qabsaday Guddoomiye Cirro, isagoo u muuqda inuu ka cadhaysan yahay mooshinka dib loo dhigay. Waxaanu guddoomiye Cirro ka dalbaday in cod loo qaado mooshinka,  “Guddoomiye waa la codaynayaa, inta ogoli gacanta ka taagto, waa la codaynayaa guddoomiye.” Ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.

Muran aan  badnayn ka dib wuxuu guddoomiye Cirro golaha ka raaligeliyay buuqa dhacay, waxaanu yidhi   “Mudanayaasha waxaanu ka raaligelinaynaa buuqa halkan ka dhacay, waxaan golaha u soo jeedinayaa in la ixtiraamo golaha”, balse Baashe ayaa haddana yidhi “Waa in lagu dhaqmaa xeer hoosaadka guddoomiye cod geli.”

Intaas ka dib guddoomiye Cirro oo u muuqda inuu ka cadhooday guddoomiye-xigeenkiisa ka dhinac hadlaya ayaa yidhi “Guddoomiye xigeenku waa inuu ixtiraamo golaha wakiillada iyo xeer hoosaadka golaha. Haddii golaha wakiilladu yeesho laba guddoomiye, dalkuna wuxuu yeelan doonaa laba Madaxweyne.” Waxaana xildhibaano badani hadalkaas Cirro ku soo dhaweeyeen sacab badan.

Laakiin Baashe ayaa weli hadalka sii wata, waxaanu yidhi “Guddoomiye cod baad gelinaysaa hadaad kacayso aday ku jirtaa, goluhu wuu fadhiyayaa waana la cocdaynayaa, xildhibaanada KULMIYE ma kici karaan anaa guddoomiye u ah.”

Intaas ka dib guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro ayaa sheegay in doodii xeer hoosaadka goluhu sii soconayso, waxaanu hadalka siiyay mudane ka tirsan golaha, laakiin Baashe ayaa haddana ku celiyay in la codaynayo, “xildhibaanada ogol soo jeedinta madaxweynuhu ha codeeyeen.” Ayuu yidhi Baashe.

Intaas ka dib waxa lagu war  helay Guddoomiye Cirro oo feedh u miisaamay guddoomiye-xigeenkiisa Baashe; xuurtana ku qabtay islamarkaana kursiga ku dul legday, waxaanu dagacan ka hadalkaasi sababay in goluhu galo xaalad kacsanaan ah oo xiisad abuurtay. Xildhibaano ka tirsan golaha ayaa kala furfuray labada guddoomiye oo aanay dhaawacyo iyo nabaro badani kala gaadhin. Waxaana sidaas ku xidhmay fadhigii shalay ee golaha wakiilada iyadoo uu mooshkii mudada laga shaqaynayay isna sidaas ku baaqday.

Waa markii u horaysay ee ay shirguddoonku dagaal gacan ka hadal isku bilaabaan iyadoo ay saxaafadda, xildhibaanada iyo dadweynuhuba arkayaan.