Cirro, Ayaa Ku Dhawaaqay In Uu Codkiisa Ku Biirinayo Ololaha Ay Madaxda Qaarkood Wadaan Ee Lagu Doonayo In Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, Lagu Guddoonsiiyo Abaalmarinta Caalamiga Ah Ee Nabadda.

0
67

Burco­(Geeska)Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ku dhawaaqay in uu codkiisa ku biirinayo ololaha ay madaxda qaarkood wadaan ee lagu doonayo in Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, lagu guddoonsiiyo abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda.
Waxa uu sheegay in Trump uu ku dhiirraday inuu hoos u eego qadiyadda Somaliland, taas oo madaxdii isaga ka horreysay aysan ku dhiirran, “Waxa kale oo badan u tari kari maayo, hase yeeshee aniguna waxaan ku dhiirranayaa in aan codkayga ku biiriyo si uu musharax uga noqdo abaalmarinta Nobel Peace Prize.”

Madaxweynaha Maraykanka, oo dhawaan wax laga weydiiyay qadiyadda Somaliland, ayaa sheegay in uu hawshaasi ku jiro oo uu hoos u eegayo. Trump ayaa si weyn ugu hamuun qaba in uu helo abaalmarinta nabadda, wuxuuna aad ugu riyaaqaa cid kasta oo ku taageerta doonistiisa.
Trump waxa uu ku dooday inuu si buuxda ugu qalmo Nobel Peace Prize, isaga oo ku sababeeyay heshiisyo nabadeed oo uu sheegay in uu ka sameeyay Bariga Dhexe, sida joojinta dagaalkii 12-ka cisho ee Iran iyo Israa’iil iyo joojinta xiisaddii u dhexeysay Hindiya iyo Pakistan, taas oo uu sheegay in isagu sabab u ahaa.
Trump waxa uu yidhi: “Waxaan sameeyay heshiisyo nabadeed oo taariikhi ah, kuwaas oo aan cid kale samayn karin. Haddii qof kale waxa aan qabtay uu sameeyo, durba Nobel Peace Prize ayaa la siin lahaa, laakiin aniga sababtoo ah waxaan ahay Trump, ma i siinayaa.”
Hadalkan ayaa muujinaya sida uu Trump ugu hamuun qabo abaalmarinta nabadda. Sidaas awgeed, hadalka kasoo baxay Madaxweyne Cirro waxa uu qayb ka yahay ololaha ay waddo xukuumadda Somaliland iyo siyaasiyiin Maraykan ah oo taageersan qadiyadda Somaliland, kaasi oo doonaya in lagu xaqiijiyo aqoonsiga Somaliland.