Ciidamo Boolis Ah Oo Shalay La Wareegay Xawaaladda Juba

0
518

Picture3Hargeysa(Geeska)-Ciidamo Boolis ah ayaa shalay subaxnimadii hore lagu arkay xarunta xawaaladda Juba Express, waxaanay ciidamadaasi la wareegeen xarunta xawaaladda oo ay albaabada u xidheen.

Si rasmi ah looma garanayo sababta ay ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa RRU ula wareegeen xaruntaas, laakiin warar soo baxay ayaa sheegaya inay ciidamadu xidheen qasnajigii xaruntaas, iyagoo saacado ka dib ciidamadu ka tagay xarunta xawaaladda. Hay’adaha ammaanka xukuumadda Somalialnd iyo xawaladuba wax war ah kamay soo saarin ciidanka wakhtiga kooban la wareegay xarunta xawaaladda.

Laakiin xarunta xawaaladda oo ku taala badhtamaha magaalada, ayaa ciidamada la wareegay waxay soo jiiteen indhaha shacabkii suuqa dhex marayay ee ka adeeganayay.

Waa markii u horaysay ee ay ciidamo Boolis ahi abaaraan mid ka mid ah xawaaladaha ugu mashquulka badan magaalada Hargeysa.