Ciidamada Itoobiya Iyo Kuwa Somaliya Oo Sheegay Inay Deegaano Cusub Qabsadeen

0
600

Xudur(W.Wararka)-Wararka ka soo baxaaya deegaanada Xadur ayaa ee gobalka Baay ayaa sheegaya in ciidamadda Itoobiya iyo kuwa dawlada Somaliya ay gudaha u galeen magaaladaas oo hore ay uga arimin jireen ururka Al-shabaab.

Sida wararka ka soo baxaaya deegaanadaasu ay sheegayaan ma jiro wax khasaare ah oo ka dhacay Xudur, dagalkii kan ka horeeyay ayaa ciidamadda Itoobiya ee ku jooga Somaliya magaca AMISOM iyo kuwa dawlada oo is garabsanayaa waxa ay ku soo jeedheen fadhiisimadii Al-shabaab ee magaaladda Rabdhuure, halkaas oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu ka dhacay.

Dhinaca kale  ku xigeenka safiirka Ethiopia u fadhiya Somaliya, Jamaal Musdafa ayaa VOA-da u sheegay in ciidamadda Ethiopia qorshahooda uu hadda yahay siddii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen gobalada Baay, Bakool iyo Gedo.

Wuxuu sheegay in ciidamadda Ethiopia oo qayb ka ah kuwa AMISOM ay hadda ku sugan yihiin degmada Xudur ee gobalka Bakool, waxaanu sheegay in aan qabsiga Xudur  aan wax iska caabin ah kala kulmin Al-shabaab.

Waxaa la weydiiyay sababta keentay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ka baxaan degmada Rabdhuure oo maalin ka hor ay qabteen, wuxuu sheegay in qorshaha aaney ku jirin Rabdhuure, balse wuxuu xusay in u jeedka uu yahay siddii ay ku qaban lahaayeen degmooyinka Xudur iyo Waajid.

Waxaa kaloo la weydiiyay ciidamadda ku sugan gobalka Galgaduud ee ka tirsan AMISOM, wuxuu sheegay in ciidamadaas dhawaan ay qaadi doonaan duulan ka dhan Al-Shabaab kaas oo lagu doonyo in gacanta lagu qabto degmooyinka Ceel-Buur iyo Maxaaas.

Dhaqdhaqaaq ciidan ayaa ka socda qaybo ka mid ah Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya kaas oo lagu doonayo in meesha lagaga saaro ururka Al-shabaab oo inta badan dhulka Koonfurta iyo badhtamaha Somaliya ka taliya.